27.3 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

Wasiir Fiqi oo xog cusub ka shaaciyay diyaaraddii u gacan gashay Al-Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay diyaaraddii milatari ee dhowaan ku dhacday deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadibna ay la wareegeen Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa beeniyay sheegashada Al-Shabaab ee ah inay soo rideen diyaaraddaasi oo ay lahaayeen ciidamada AUSSOM, gaar ahaan kuwa Burudi oo dhowaan ka baxay Xawaadley waxaase uu tilmaamay in diyaaradda ay soo wajahday cilad, sidaasna ay ku dhacday.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aanu jirin khasaare nafeed oo ka dhashay shilkan, marka laga reebo burburka diyaaradda oo ay la wareegeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Diyaaraddii ku dhacday Xawaadley cilad farsamo ayaa ku timid, Shabaab sooma ridin wax khasaare ahna kama dhalan,” ayuu yiri Wasiika Gaasnaadhigga Xukuumadda Soomaaliya.

Dhinaca kale, wuxuu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo wacad ku maray in dhowaan ay bilaabi doonaan howlgallo dib loogu xoreynayo deegaannada ay soo galeen ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, si looga saaro dhulkaasi.

“Waxaan wadnaa qoshe Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka, si dib loogu qabto deegaannada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, howlgallada hadda waxay ka socdaan inta badan gobolada dalka sida Hirshabeelle, Jubaland iyo Koofur Galbeed,” ayuu raaciyay Fiqi.

Diyaaraddan ayaa dhacday xilli ciidamada AUSSOM ee howlgalka Midowga Afrika laga daad-gureynayay deegaanka Xawaadle, kaddib markii ay ku dhufteen roobab iyo daadad ba’an.

Howl-galka AUSSOM ayaa sheegay in intii ay socotay daad-gureynta ciidanka, mid ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca uu la kulmay cillad farsamo, balse wuxuu howlgalku tilmaamay in duuliyeyaasha ay si xirfad leh ugu dejiyeeen ciidanka dhul ammaan ah oo ay joogaan ciidamada dowladda Soomaaliya

Waxaa kale oo uu howlgalku intaasi kusii daray in aanay jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay cilladdaas farsamo ee sababtay in diyaaraddooda ay ku dhacdo aagga Xawaadley.

Sanadihii la soo dhaafay deegaanka Xawaadley oo u dhow degmada Balcad wuxuu martigeliyay dagaallo culus oo ay ku dhinteen boqolaal askari iyo saraakiil ciidan, taasoo muujineysa muhiimadda istiraatiijiyadeed ee deegaankaas ay u leedahay labada dhinac.

- Advertisement -

Read more

Local News