25.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Wasiir Jaamac oo maanta xilkii wareejiyay kadib muddo uu diidanaa + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, iyo Wasiirkii hore, Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Wasaaradda Gaashaandhiggu ay laf-dhabar u tahay difaaca Qaranka, amniga iyo horumarinta siyaasadda Qaran ee dib-u habeynta iyo tayeynta ciidanka Qaranka ee habeen iyo dharaarba u dhimanaya difaaca dalka, dadka iyo diinta, si loo ciribtiro kooxaha argagixisada ah.

Waxa uu si gaar ah u dul istaagay muhiimadda in la dhammaystiro qorshaha xukuumadda Dan-Qaran ee Soomaaliya nabad ah, xilli ay geesiyaasha xoogga dalka oo gacan ka helaya dadka deegaanka ay dagaal adag kula jiraan kooxaha argagixisada.

“Wasaaradda Gaashaandhiggu waxa ay ku tallaabsatay horumar dhinacyo badan leh oo ay kamid yihiin qaadista cunaqabateyntii hubka oo muddo dheer kaddib dalkeenna laga qaaday, diyaarintii ciidamadii kala duwanaa ee ka qeyb-qaatay amniga caasimadda, iyo diyaarinta qorshaha casriyeynta hannaanka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu sameeyay dib-u-habeyn xooggan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Waxa uu intaas kusii daray “Sidaas awgeed Wasiirka cusub waxaa laga doonayaa in uu horumariyo siyaasadda Qaran ee difaaca iyo dib-u xoreynta dalka.”

Mudane Xamza ayaa Wasiir Cabdiqaadir, ku ammaanay dedaalkii uu galiyey uu galiyey sidii loo heli lahaa ciidan Qaran oo awood u leh in ay dalkeenna ka difaacaan cadowga, una diyaarsan ciribtirka Khawaarijta.

Sidoo kale waxa uu Wasiirka cusub kula dardaarmay in uu dardargaliyo dib u habeynta ciidamada iyo wada-shaqaynta hey’addaha amniga, si looga guuleysto argagixisada.

Si kastaba, Wasiir Jaamac ayaa ugu dambeyn maanta si rasmi ah u wareejiyay galkii difaaca dalka, kadib muddo uu ka cago jiidayay inuu wareejiyo, maadaama ay wararka qaar sheegayaan inuu ka biyo diidanaa xil ka qaadistii lagu sameeyay.

- Advertisement -

Read more

Local News