Wasiir Juxa oo marmarsiyo u sameeyay suuragalnimada la hadalkiisa xilli warbaahinta laga mamnuucay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmo un ka hor Ra’isal wasaare ku-xigeenka dalka uu soo saaray go’aan saxaafada looga mamnuucaayo Wasiirada Xukuumada, ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliya Cabdi Siciid Faarax Juxaa.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in go’aankaasi uusan shaqo ku laheyn isla markaana uu saxaafada kala hadli doono wixii khuseeya shaqada Wasaaradiisa, maadaama uu yahay Wasiirka arrimaha gudaha.

Wasiir Juxa, waxa uu tilmaamay inuu kala garanaayo wixii shaqadiisa ah iyo waxyaabaha kale ee aan khuseyn, sidaa aawgeed uusan saameyn doonin go’aankaasi Wasiirada looga mamnuucay saxaafada.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa ”Go’aankaasi wuu iska cadyahay waxaana filayaa inaanu la xiriirin shaqadeyda”

”Wixii la xiriira shaqada wasaaradaha fasax uma qaadaneyno, balse haddii ay noqoto arin kale oo Siyaasada dalka khuseysa oo aanan aheyn shaqadayda, malaha taas ayaa loola jeedaa”

Waxa uu intaa raaciyay Wasiirka ”Anigu shaqsi ahaan waan leeyahay facebook waan isticmaalaa, balse waan aqaan waxaan gelinaayo iyo inaan ka fiirsado waxa ay tahay”.

Wasiir Juxa waxa uu sheegay in go’aankaasi uu ka danbeeyay hadalada is khilaafsanaa ee kasoo kala baxay Wasiirada Xukuumada, kaa oo ku aadanaa xasuuqii ka dhacay deegaanka Bariire.

Amarka Saxaafada looga mamnuucay Wasiirada ayaa saameynaaya dhammaan Golaha Wasiirada, iyadoo wixii khuseeya saxaafada ay Wasiiradu ka fasax qaadan doonaan Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Kheyre.

Si kastaba ha ahaatee, talaabada Wasiirada looga mamnuucay inay ka hadlaan Warbaahinta ayaa noqoneysa hadal haynta ugu badan ee xiligaani ka dhextaagan baraha bulshada ay wadaagan Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com