Wasiir ka tirsan DF oo ka qeyliyey kursi uu u sharxan yahay ‘oo la boobayo’

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda  Soomaaluya  Duraan Axmed Faarax ayaa cabasho ka muujiyey habka loo maamulayo kursiga tirsigiisu yahay HOP#166, kaasi oo deegaan doorashadiisu tahay Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in kursigaas loo marayo hab raac ka duwan heshiiskii 3 illaa 9 January 2022 ay Muqdisho ku gaareen madaxda maamul Goboleedyada, iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada iska leh kursiga golaha shacabka ee sumadiisu tahay #Hop166 u caddaynaya in si baal marsan habraacyadii doorashada dadban ee lagu heshiiyay 3 ilaa 9 Janaayo 2022 loo maamulay doorashada kursigaas.iyadoona Nabadoonada beesha kursigu ka dheexyo aan wax door ah la siin” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha xulaya ergada iyo ergada ay soo xuleenba inaysan aheyn kuwa heysto matalaada Bulshada.

Wasiir Duuraan waa Musharrax Xildhibaan u taagan kursiga tirsigiisu uu yahay HOP#166 kaas uu ku fadhiyo Wasiirka hore ee Shaqada iyo Shaqaalaha Sadiiq Xirsi Warfaa.

Hadalka Wasiir Duraan ayaa ku soo aadaya xilli lagu madalsan yahay in doorashada xildhibaanada Goloha Shacabka lagu soo gabagabeeyo muddo 40 beri oo ku eg 25 Febraayo 2022 sida ku xusan heshiiskii Muqdisho lagu gaaray dhawaan.

Waxaa durba muuqata cabashooyin laga soo gudbinayo sida ay ku socoto doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka oo dib loo bilaabay 15-ka Bishaan, waxaana weli halkiisa kasii socdo boobkii markii hore keenay inay shir isugu yimaadaan Golaha Wada-tashiga Qaran.

Waxaa hadda la is-weydiinayaa haddii xitaa wasiiradii awoodda iyo saameynta lahaa si fudud loogu diidi karo tartanka kuraasta ama la boobi karo, xagee ku jiraan dadka caadiga ah?