Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamuud Cabdinuur Beerxaani oo ka tirsanaa golaha wasiirada ee Dawlad-goboleedka Jubaland, kaas oo xanuusanaa maalmihii lasoo dhaafay.
Marxuum Maxamuud Cabdinuur ayaa hadda ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda degaanka iyo isbedelka cimilada maamulka Jubaland, wuxuuna ku jiray isbitaal ku yaalla Muqdisho oo uu ugu dambeyntii maanta ku geeriyooday.
Warbaahinta Jubaland ayaa xaqiijisay geerida wasiirka, waxayna sheegtay in xaalad caafimaad loo keenay caasimada, uuna maanta ku geeriyooday.
“Alle ha u naxariistee Waxaa hada Muqdisho ku geeriyooday Wasiir ku xigeenkii Wasaarada deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Dowladda Jubbaland Marxuum Maxamuud Cabdinuur Beerxaani oo Mudooyinkii udambeeyay ku jiray Isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho halkaas oo ugu dambeyntii uu Maanta ku geeriyooday” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo qoraal soo saaray ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid marxuumka, isaga oo Alle uga baryay inuu ka waraabiyo Jannadii Firdowso.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marxuumka uu door muhiim ah ka soo qaatay dhismaha dowladnimada Jubaland, uuna wax badan ka qabtay horumarka deegaanka.
Dhowaan ayay dhawaan ayey aheyd markii Jubaland ay kasoo baxday tacsida Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee maamulkaasi Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) oo ku geeriyooday magaalada caasimada ah ee Nairobi kadib muddo uu ku xanuunsanaa halkaas.
Marxuumka ayaa la geeyay Kismaayo, halkaas oo aas qaran loogu sameeyay, waxaana ka qayb-galay Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, mas’uuliyiin kale & dadweyne kale.