Wasiir ka tirsan xukuumada Nigeria oo tusaale yaab leh usoo qaatay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah golaha wasiirada xukuumadda dalka Nigeria ayaa tusaale la yaab-leh u soo qaatay dalkeena Soomaaliya, isagoo ka hadlayey xaaladda amni ee dalkaasi oo weeraro iyo qaraxyo ay ka geysato kooxda Boko Haram.

Wasiirka oo lagu George Akume, islamarkaana ah wasiirka howlaha gaarka ah ee dalka Nigeria ayaa sheegay in xukuumaddu ay ka digeyso in Nigeria ay noqoto sida Soomaaliya oo kale meel ay ku ciyaarto carruurta, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray haddii aan waxba laga qaban amni darrada dalka Nageria uu la mid noqon doono Soomaaliya oo ay ka jiraan dhibaatooyin kala duwan.

“Waxa aan ka digayaa in sida Soomaaliya oo kale Meel carruurta ku ciyaarto noqoto Nigeria, haddii aan la sameyn qorshe mideysan oo wax looga qabanayo ammaan darrada, wadankaan dhaca bariga Afrika Soomaaliya waxa uu soo maray dhibaatooyin kala duwan, xaalad colaad iyo dagaal sokeeye.” ayuu yiri George Akume.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in dowladda Madaxweyne Buhari ay mas’uuliyad ka saaran tahay sugida amniga iyo sidii looga tagi lahaa weerarada ay fuliso oko Haram.

Nigeria ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo ka mid ah Booliska AMISOM ee la shaqeeya Booliska Soomaaliya.

Si kastaba ha’ahaatee wadanka Nigeria oo kaliya ma’ahin waxaha tusaalaha aan wanaagsaneyn u soo qaatay Soomaaliya ee waxaa jira wadamo badan oo horey tusaale xun uga bixiyey dalkeena Soomaaliya, sida Algeria, Uganda, Mareykanka iyo kuwa kale.