Wasiir ka tirsanaa Puntland ‘oo sameystay’ jabhad hubeysan

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa markii u horeysay shaacisay in jid-gooyo loo dhigtay doorashooyinkii qof iyo cod ee laga hirgelin lahaa Puntland, taasi oo ay ku eedeysay wasiir awood badan ku lahaa maamulkaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay in deegaanka Karin-dhiig ee gobolka Nugaal ay jid-gooyo dhigteen maleeshiyaad hubaysan oo uu hoggaaminayo wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal.

“Xasan Shire Abgaal ayaa maleeshiyaad hubaysan lagalay buuraleyda Karindhiig wuxuuna doonayaa in uu colaad cusub abuuro,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Juxa.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli la baajiyay gaadiidkii ka bixi lahaa Garoowe ee agabka diiwaan-gelinta u qaadi lahaa dhinaca gobolka Bari.

Xogo madaxa-bannaan ayaa sidoo kale sheegaya in saacado kooban lagu arkay dabley hubaysan nawaaxiga dalcadda Karin-dhiig, balse aysan hadda jirin wax jid-gooyo ah oo halkaas taalla.

Xasan Abgaal oo mar ay isku dhawaayeen Saciid Deni ayaa hadda kamid ah mucaaradka ugu waaweyn ee kasoo horjeeda sida uu madaxweynaha u wado arrimaha doorashooyinka.