Yaasiin Fareey oo shaaciyey in NISA ay xubno ka tirsan DF u xirtay Shabaabnimo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Farey oo Agaasime ku meel gaar ah ka soo noqday hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sii adkeeyay hadalkii uu dhawaan sheegay madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo la xiriiray masuuliyiin xiriir la leh kooxda Al-Shabaab.

Yaasiin Fareey oo bixiyay wareysi gaar ah ayaa sheegay in xiligii uu joogay hogaanka NISA ay soo xireen masuuliyiin ka tirsan dowladda oo la shaqeeya Al-Shabaab, kuwaasi oo qaarkood loo maxkamadeeyay.

“Waxa jira dad masuuliyiin ah oo la shaqeeya kooxaha Khawaarijta laakiin waxa laga rabaa dowladda markaas jirta inay taxadar dheeri ah ka sameyso oo qofkii lagu helo tallaabo ka qaado oo aan dad kale loo hoos-galin. Dad badan oo dowladda ku jira oo loo xiray inay la shaqeeyaan Shabaab ayaa jira, kuwa maxkamad lasoo saaray ayaa jira,” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu meesha ka saaray in dowladda iyo Shabaab ay wada-shaqeeyaan, isaga oo ku dooday in shaqsiyaad dano gaar leh oo dowladda ka tirsan ay la shaqeeyaan kooxda, balse nidaamka dowladeed uusan la shaqeyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa dowlad iyo cadow ee sidee iskula shaqeyn karaan? Wey jirtaa in dad xiriir la yeelan kara oo waa dhici karta, laakiin wax dhici kara ma aha in dowladda iyo cadowga wada-shaqeeyaan. Inta aan joogayna wax aan soo arkay ma aha.”

Yaasiin Fareey ayaa ka gaabsaday in uu xiligaan sheego magacyada masuuliyiinta dowladda ka tirsanaa ee uu xiray intii uu joogay hogaanka NISA, isaga oo sheegay in illaa hadda ay jiraan kuwo la shaqeeya Shabaab oo xilal ka haya dowladda, loona baahan yahay inay wax ka qabtaan hay’addaha ku shaqada leh.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan markii u horeysay shaaciyay inay jiraan saraakiil ka tirsan ciidanka oo qaraxyada soo galiya magaalada Muqdisho.

“Saraakiil ayaa jirta oo ciidamada qeybahooda kala duwan ah oo hadda baaristooda ay socoto, oo hay’addo ajnebi ah la kaashanay oo la leeyahay asaga ayaa kasoo daayay Checkpoint-ga, waa lagu daba jooga maalin maalmaha kamid ahna waa lasoo qabana.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in saraakiisha ay baaritaanada ku socdaan gawaari ay soo daayeen uu qarxay, kuwaasi oo akoonadooda bank-yada lagu arkay lacago badan oo uu sheegay in tuhunsan yihiin inay ku heleen gawaaridaaas qaraxyada ah oo ay soo daayeen.

Qiraalka madaxweynaha ee la xiriira arrintaan ayaa noqonaya midkii u horeeyay ee noociisa ee kasoo yeera dowladda federaalka, ayada oo sanadihii dambe uu sii kordhayay tuhunada laga qabo saraakiisha iyo hay’addaha amniga loo igmaday inay qaarkood fudeydiyaan qaraxyada.