28.7 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

ROOBOW oo sameeyay arrin ay neceb yihiin Al-Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka.

Wasiirka ayaa ugu horreyn la waydiiyay sababta uu u tegi la’yahay furimaha dagaalka, si uu u dhiirogeliyo ciidamada, waxaana uu sheegay in dagaalka uu ku jiro welina uu haysto qoray iyo booshash oo ay u yaallaan xafiiska, ayna ka go’an tahay la dagaallanka Khawaarijta.

Roobow ayaa sidoo kale intaasi ku daray in hadda uu u xilsaaran yahay arrin kale oo dagaalka ka muhiimsan, ayna neceb yihiin Al-Shabaab, taas oo uu ku sheegay isku keenidda culimada, si dhanka fikirka ay ugala dagaalamaan kooxaha Khawaarijta.

“Horta waxaa fiicneyd inaad xafiiska iigu timaado, haddana waa sii mareynaa qorayga iyo booshka hadda ayaan wataa miiska ayay ii hoos yaallaan maba dhigo waan wataa, tan kalena dagaalka xabad la rido oo kalya ma’ahan nimankaas ciidan xabadeeya waxa ay ka neceb yihiin culumo in la’isugu keeno oo ay wax dhahaan ayaa uga daran” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Culimada Soomaaliyeed iyo wasaaradda oo iskaashanaya qaytaas oo dhan ayay ku aadan yihiin waa dhufeys wayn oo aan sahlaneyn”.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay inuu diyaar u yahay in dagaalka uu galo, haddii ay dowadda Soomaaliyeed u dirto furimaha hore ee dagaalka, si loo garab istaago ciidanka.

“Wasiiradu waa askar oo kale meesha loo diro uunbey aadayaan marka haddii saaka la’i diro oo la’i yiraahdo meeshaa aad iyadana diyaar aan u ahay” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa ah nin fahamsan Al-Shabaab oo uu horay uga mid ahaa hoggaamiyeyaashooda, wuxuuna inta aanu kasoo goosan kula dagaalamay qaybo kamid ah gobolka Bakool oo uu muddo ku go’doonsanaa, kadibna wuxuu isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa haatan si xooggan uga socda dalka, waxaana socda guluf ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah, kaas oo ka socda meelo kala duwan oo kamid ah gudaha dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News