WASIIR si kadis ah ugu dhex dhintay DIYAARAD

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkaasi oo lagu magacaabi jirey Aronda Nyakirima ayaa la sheegay inuu si kedis ah ugu geeriyooday xilli uu saarnaa Diyaarad ka timid dalka South Korea.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Uganda, ayaa ku sheegay bartiisa Twitterka inuu Wasiirku u geeriyooday Wadno Xanuun.

Wasiirka ayaa dalkaasi u aaday qorsho ay Dowlada Ugandha ku xoojineysay xiriirka kala dhexeeya dalkaasi Korea.

Dhinaca kale, Warbaahinta Uganda ayaa sheegtay in Aronda Nyakirima oo 56 jir ah ku geeriyooday magaalladda Dubai, xilli uu ka yimid safar uu ku tagay dalka South Korea, kuna soo jeeday Uganda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com