Video: Dagaal gacan ka hadal ah oo dhex maray guddoomiyaha baarlamanka iyo ku xigeenkiisa

Hargeysa(Caasimada Online) – Masuuliyiinta ugu sareyso xubnaha golaha wakiilada Somaliland ayaa isku gacan qaaday, kadib markii maanta la isku fahmi waayay mooshin laga gudbiyay xaamaha keydka shidaalka ee yaala Berbera oo madaxweyne Siilaanyo ku wareejiyay shirkad gaar ah oo shidaalka qaabilsan.

Gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland Craxmaan Maxamed Ciiro iyo ku xigeenkiisa koowaad Baashe Maxamed Faarax, ayaa gacanta iskula tagay kadib markii ay la kala safteen xildhibaanada baarlamaanka.

Arinta waxay ka dambeysay markii 33 xildhibaan ay taageereen go’aanka madaxweyne Siilaanyo halka xildhibaanada kale ay kasoo horjeesteen, iyaga oo ku dacwoonaya in wasaarada shidaalka Somaliland la hoosgeeyo maamulka haamaha Shidaalka ee Berbera.

Qorshahaasoo ay ahayd in golaha uu maanta ka doodo oo uu ansixiyo oo ka laabto laalidii uu hore u laalay todobaadkii hore in haamaha shidaalka ee berbera aanla wareejin karin.

Gudoomiyuha baarlamaanka ayaa sheegay in aan mooshinkan haamaha kalfadhigan la hor keeni karin sida xeer hoosaadku qorayo maadama isla kalfadhigan lagu laalay.

Haseyeeshe gudoomiye xigeenka kowaad ee golaha wakiiladu ayaa ku dhawaaqay in cod loo qaado mooshinkan , kadibna awoodii hogaaminta golaha ay isku qabsadeen labadoodu oo ay feedh isla dhaceen.

Caasimada Online
Xafiska Hargeysa
Caasimada@live.com