Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha Dastuurka Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaradiisu ay qaadi doonto talaabo dib loogu habeynaayo Dastuurka dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradu ay ahmiyada koowaad siin doonto dajinta dhammaan qorshooyinka lagu dhaqaajin lahaa cilad tirka Dastuurka, iyadoo ay DFS yeelaneyso Dastuur dhan waliba ka dhameystiran.
Wasiir Xoosh ayaa carab dhabay in Dastuurka dalka uu u baahan yahay in laga saaro dhammaan wixii malo ah,isla markaana lala imaado Dastuur dhan waliba ka buuxa.
Dastuurka ayuu sheegay inuu noqonaayo kan kaliya ee aan kala sareysiineynin Shacabka Soomaaliyeed waxa uuna ballanqaaday inuu ka dhabeyn doono helida Dastuur wanaagsan.
Wasiir Xoosh, ayaa sheegay in dhawaan uu bilaabi doono dadaalo lagu daraaseynaayo Dastuurka si loo kala habeeyo kuwa ku jira mugdiga iyo kuwa nadiifka ah.
Dhinaca kale, Wasiir Xoosh, ayaa lagu tilmaamaa inuu kamid yahay mas’uuliyiinta fara ku tiriska ah ee aqoonta durugsan u leh arrimaha Dastuurka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]