Wasiir Xoosh oo mar kale sheegay hadal ka careysiin doona maamul goboleedada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Dastuurka ee xukuumada Somalia Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa mar kale ku celshay in Wasaaradiisu ay maamul Goboleedyada dalka horgeyn doonto BFS.

Wasiir Xoosh, ayaa sheegay inaanu jirin maslaxad gaara uu ka leeyahay in dib loo hagaajiyo sharciyada ay ku dhisan yihiin maamul Goboleedyada balse uu doonaayo keliya in la saxo khaladaadka ku jira dastuurka iyo sharciyada loo maray maamulada.

Wasiir Xoosh, waxa uu sheegay in sixitaanka dastuurka micnuhu uusan aheyn in Hogaamiyayaasha maamulada laga qaadayo xilalka balse ay doonayaan inay ku hor saxaan BFS, si loo helo maamulo la jaanqaadi kara sharciga.

Madaxda maamul Goboleedyada dalka ayuu Wasiirka ka codsaday inay kala shaqeeyaan wadatashiyada la xiriira dib u eegista Dastuurka.

Wasiir Xoosh ayaa sheegay inay muhiim tahay qeyb kasta oo ka mid ah dastuurka in si’aad ah loo fiiriyo , lana eego dadka ay xuquuda ka maqan tahay, sida dadka baahiyaha gaarka qaba iyo dumarka oo soo hadal qaaday wasiirka Dastuurka.

Sidoo kale, Wasiir Xoosh waxa uu carabdhabay inaanu jirin maamul ama mas’uul ka sareeya sharciga, waxa uuna cadeeyay in isaga uu garanaayo wixii u wacan dalka iyo wixii aan u wacneyn ee ka fiirsashaha u baahan.

Haddalka Wasiir Xoosh, ayaa waxa uu nabar ku yahay Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyda ka jira dalka oo iyagu doonaaya inay ku shaqeeyan sharciyo iyaga u gaara.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET