Wasiir Xundubey: “Ciidanka DF ayaa waxaa soo weeraray maleeshiyaad hubeysan”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon ayaa sheegay in ciidamada dowladda weerar lagu soo qaaday.

Hadalka Xundubey ayaa ka duwan kan mucaaradka oo ahaa in ciidamada dowladda ay weerareen Hotel-ka Ma’ida oo ay degan yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Xundubey ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Malleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahayd 1dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho. Sarkaal u hadlay malleeshiyadaas ayaa caawa fiidkii hore warbaahinta u sheegay in ay weerar ku yihiin xarumaha Dowladda isla markaana ay qabsadeen qaybo kamid ah Muqdisho.”

Xundubey ayaa intaas ku daray in ciidamada Qalabka Sida ay markaa kaddib galeen heegan buuxa ayna iska difaaceen weerarkaa, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa ay ka guuleysteen maleeshiyadii weerarka soo qaadday. Faahfaahinta weerarka la inagu soo qaaday gadaal ayaanu idinkala soo wadaagi doonnaa,” ayuu yiri.