Sheekh Shariif: “Weerarka nalagu soo qaaday waxaa amray Farmaajo”

Muqdishio (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in weerar caawa lagu soo qaaday Hotel ay degan yihiin isaga iyo Xasan Sheekh uu amray madaxweynaha Soomaaliya ee waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shariif oo qoraal soo dhigay Twitter-ka ayaa yiri “Waxaan umadda Soomaaliyeed u caddeynayaa in weerar gardarro ah ay nagu soo qaaday dowladda, iyagoo kusoo duulay Hoteelka Maa’ida oo aniga madaxweyne hore Xasan Sheekh iyo xubno kamid ah midowga murashaxiinta aan deganahay.

Waxa uu intaas ku daray “ Weerarka waxaa amray Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey ee Maxamed Farmaajo isagoo doonaya in uu na caburiyo. xoogna uu ku muquuniyo shacbiga Soomaaliyeed ee doonaayo in aragtidooda udhiibtaan si nabad ah.”

Hadalka Shariif ayaa waafaqsan mid isna kasoo baxay Xasan Sheekh oo uu ku yiri “Ciidanka dowladda ayaa caawa weerar ku soo qaaday hotel Maida oo aan ku sugannahay aniga iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Waa nasiib darro in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday daadinayo dhiigga muwaadiin isu diyaarinayo bannaan baxaya nabadeed oo ay aragtidooda ku cabbirayaan.” 

Dhinaca kale, wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya agagaarka Daljirka Dahsoon ayaa sheegaya inuu istaagay Iska hor-imaad xoog leh oo halkaas ka qarxay goor sii horreysay, una dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa sugaya amniga musharaxiinta.