26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Wasiirada cusub oo la horgeynayo BF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda Somalia, ayaa waxaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa in la horgeeyo Xildhibaanada BF Somalia si ay u weydiistaan Codkooda kalsoonida.

R/W CC, ayaa Golahiisa Wasiirada horgayn doono Xarunta Golaha Shacabka, iyadoona uu ka codsan doono inay codka kalsoonida siiyaan, walow uu ka muujinaayo walaac.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ra’iisal Wasaaraha uu saacadihii ugu dambeeyay loolan siyaasadeed oo uu ku soo jiidanaayo Xildhibaanada ka waday Magaalada Muqdisho, ha yeeshee waxaad mooddaa inaanay waxba uga suuroobin welina ay Xildhibaanadu mucaaradsan yihiin.

Sidoo kale, Mas’uul ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa inoo xaqiijiyay in Ra’iisal Wasaaruhu uu culeys badan weli kala kulmaayo inta badan Xildhibaanada BF Somalia, oo laba Kudladood ku mideysan.

Xildhibaan Cabdullahi Jaamac Xuseen oo ka tirsan mid ka mid ah labada Kudladood ee BF, ayaa si rasmi ah u sheegay inaysan codka kalsoonida siin doonin Golaha Wasiirada, ee Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Sharmaarke oo uu ku dhaliilay inay weli ku dhex jiraan xubno aan la ansixin karin.

Dhanka kale, arrintaani ayaa waxay ku soo aadeysaa, xilli Beesa Caalamka ay soo dhaweysay magacaabidda Golaha Wasiirada cusub, oo la tilmaamo in badankoodu laga soo xulay dalka dibaddiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News