Wasiiradii DF ay u dirtay Baydhaba oo la kulmay waji gabax, kadib marki….

Baydhaba (Caasimada Online) – Tiro ka mid ah Golaha Wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya, oo shalay gaaray Magaalada Baydhabo, ayaa waxay kula kulmeen Ergooyinka ku hawlan Dhismaha Maamul U Samaynta Gobolada Koonfur Galbeed, waxayna kulan kula qaateen Xarunta ADC.

Wasiiradaan, ayaa Ergooyinka ka codsaday in ay ka tanaasulaan qorshaha ay ku doonayaan, in ay Maamul ugu soo dhisaan Gobolada Koonfur Galbeed, oo leesku yiraahdo Shabeellaha Hoose, Baay, Bakool, Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.

Wasiirada, ayaa ku andacooday inaanay suurta gelin ahayn hirgelinta Maamulka Koonfur Galbeed, haddii Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, ay Dowladdu u aqoonsan tahay Maamulka Jubba. Sidaasi daraadeedna ay ka tanaasulaan.

Ergooyinka uu shirku kaga soconaayo Xarunta ADC, ayaa waxay sheegeen inaanay wax dhici karo ahayn, in ay ka laabtaan qasdigooda ku aadan Dhismaha Maamulka Gobolada Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha Ku Xigeenka 1-aad ee Golaha Guurtida Ugaas Maxamed Ugaas Nuur, wuxuu si adag u sheegay, inaysan jirin wax ka baajin kara damacooda ku saleysan Maamulka Koonfur Galbeed.

Ugaas Maxamed Ugaas Nuur, ayaa si jees jees ah u sheegay dhul gariir lagu hoobto oo ka dhaca Gobolada Koonfur Galbeed mooyee, aynaan wax kale ka baajin karin in ay Maamul u soo dhisaan sida uu yiri dadka Deegaanka.

Wasiirada la kulmay Ergooyinkaan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha C/laahi Goodax Barre, Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud, Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Aadan Maxamed Nuur “Aadan Saransoor”, Wasiirka Wasaarada Dekedaha & Gaadiidka Yuusuf Macalin Amiin iyo xubno kale, ayaa waxay Xarunta ADC ka taggeen, iyagoo dhoola cadayn iska raadinaaya.

Wasiiradaan, ayaa Jimcaha maanta ah lagu wadaa in ay taggaan Hotel Bakiin, oo uu shir uga soconaayo Ergooyinka taageersan Dowladda, ee iyagu doonaaya in la dhiso Maamul ka kooban Bakool, Baay & Shabeellaha Hoose.

Isha: Dhacdo