Wasiirk Beyle oo ceebeeyey gudigii BF ee kiiska musuq maasuqa soo bandhigay

Wasiirka maaliyadda jamhuuriyadda Federal-ka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shalay hortagay golaha shacabka ayaa ka jawaab celiyey oo iska difaacay eeddii musuq maasuq ee loo soo jeediyey xukumadda iyo gaar ahaan wasaaradiisa.

Dhammaadkii toddobaadkii hore ayey ahayd markii ay gudiga maaliyadda soo saareen warqado dhaadheer oo ay ku sheegeen in Xukumadda ay musuq dhex bartanka uga fadhido, oo ay jiran lacago ka badan 40 Milyan oo aan xisaab celintooda lagu soo darin miisaaniyada 2019.

Hase ahaatee, hadal jeedintii Beyle ee shalay waxa ay ceeb wey dhex fariisiyey gudiga maaliyada ee soo eedeeyey.

QODOBADDII UU BEYLO KA HADLAY

Wasiirka maaliyadda waxa uu ka hadlay oo wali so qotodheer u qaadaa dhigay saddex qodob oo tiir dhexaad u ahaa dooddii gudiga maaliyadda waxa ayna kala ahaayeen; 1 – Lacagtii Sucuudiga 2 – Lacag Imaaraad 2 – Lacagtii laga soo uruuriyey shaqaalaha

Qodobka kowaad, Dhaqaalihii ka soo uruurayey dadka shaqaalaha oo hoos u dhacay

Wasiir Beyle waxa uu ku nuux nuuxsaday qodobkii ku saabsanaa lacagtii laga soo uruuriyey shaqaalaha rayid-ka ah ee canshuur ahaan ugu soo aaday oo ay gudiga sheegeen in uu hoos u dhacay.

Beyle waxa uu sheegay in tilmaanta (Benchmark) mudddo sideed bilood ah la siiyey ayaa lagu rabay 3230 00 (Saddex milyan iyo laba boqol iyo sodon Kun) balse ay soo saareen 3,700,000 (Saddex milyan iyo todobo boqol oo Kun).

Beyle waxa uu sidoo kale caddeeyey in arintan ay wax ka ogaadeen Bangiga Aduunka iyo hay’adda lacagta aduunka oo waliba ku bogaadiyey dowladda tallaabadaas.

Halkaa waxaa ku cad, in gudiga maaliyadda baarlamaanka ay gebi’ahaaba ka hoos baxday oo aysan xogtoodu ahayn mid xaqiiqda salka ku haysay kana muuqatay fideed.

Qodobadka labaad, Lacag laga sugayey Imaaraadka!

Warqadda ay soo saareen gudiga maaliyadda waxaa ku qorneyd in ay jireen lacago laga sugayey Imaaraadka balse aysan wasaaradda maaliyadda meel ku sheegin balse Beyle oo u muuqday mid yaaban ayaa sheegay in aysan jirin wax lacag ah oo ka soo gaartay Imaaradka gebi’ahaanba.

Beyle waxa uu ka dalbaday in cidda meel k sheegi kartaa in Imaaraadku lacag keenay ay isaga iyo bulshada Soomaaliyeed la wadaagaan!

Qodobka ka saddexaad iyo lacagtii 50-ka Milyan ahayd ee Sucuudigi ku deeqay

Gudiga Maaliyadda ee soo eedeeyey Beyle waxa ay sheegeen in 50-kii Milyan ee ay Sucuudigu soo siiyeen Soomaaliya ku dhacday Bangiga Dhexe oo 20 milyan oo ka mid ah la’lahay.

Hase ahaatee, Beyle in uu ka jawaabo su’aashaas iyo eeddaas aad ayey ugu fududeyd, waxa uuna uga nixiyey gudigi soo qoray warqadda In marka horeba xogta ka qaldan tahay oo lacagta si toos ah loogu shubay Bangi ku yaal dalka Turkiga oo laga maamulo!

Taas waxa ay ceeb ku noqotay gudiga baarlamaanka ee maaliyadda oo bulshada u soo bandhigay xog aan la soo shaadheyn oo hadda u muuqatay mid laab lakac lagu soo dhoodhoobay.

Yeelkeede, sida uu Beyle sheegay wax ay guud ahaan dhabar jab ku noqotay warqadahaas bulshada iyo warbaahinta lala wadaagay dadaalkii uu dalka ugu jiray sidii deynta looga cafin lahaa.

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid