“Hargeysa ayaan weerari doonna, maskana madaxa ayaan ka dili doonnaa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaalkii dhawaan ka goostay Somaliland Siciid Cawil Jaamac oo loo yaqaano Korneel Caare, ayaa ku hanjabay inuu dhawaan weerari doono magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Isaga oo warbaahinta la hadlayay ayuu sheegay in weerarka uu ku qaadayo magaalada Hargeysa inuu ku beegsan doono masuuliyiinta maamulka Somaliland gaar ahaan golaha wasiirada.

Korneyl Caare, ayaa sheegay inay garanayaan seddexda meelood ee laga weeraro magaalada Hargeysa, isaga oo sheegay in ciidamo taabacsan jabhadiisa inay ku sugan yihiin bartamaha magaalada Hargeysa.

Sarkaalkaas ayaa la aaminsan yahay inay Puntland taageersan tahay, waxaana markii uu ka goostay Somaliland uu fariisin ka sameystay Magaalada Qarsho duleedkeeda, iyada oo ay siweyn u soo dhaweeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland.

“Maska madaxa ayaa laga dilaa, waan weerareynaa magaalada Hargeysa waxaana beegsan doonaa dadka masuuliyiinta ah ee duminaya qaranka, jabhaddu ciidamadeeda meelo badan ayay joogaan”ayuu yiri Korneyl Caare.

Somaliland oo nabad aheyd 20 kii sano ee ugu dambeeyay ayaa hadda dareemeysa cid ku carqaladeyn karta amaanka magaalooyinka, haddii aan xal laga gaarin saraakiisha careysan ee kagoostay Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com