MASAR oo nabad ilaalinta Somalia guul ka sheegatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa sheegatay inay door ku laheyd guulaha amaan ee dalka Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta ee Jooga dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007.

Dowladda Masar ayaa sheegtay in Kaalin muhiim ah oo waxqabad muuqda ka dhalatay ay ka qaadatay Nabad ilaalinta Dalal Soomaaliya ay kamid tahay oo ay joogaan Ciidamadeeda, sida lagu sheegay warbixinta.

Wargeyska AlFajar oo ah wargeys todobaadle ah oo kasoo baxa magaalada Qaahira ee daka Masar ayaa shaaciyay xog uruurin ay ka sameeyeen Ciidamada Masaarida iyo habka ay ugu howlgalaan Nabad ilaalinta.

Dowladda Masar waxay sheegtay in ciidamadeeda ay tageen dalalka saxaraha ka hooseeya iyo kuwa Qaarada Africa, iyaga oo hoos tagaya howlgalka Nabad ilaalinta Qaramada Midoobay.

Dowladda Masar ayaa sheegtay in ciidamadooda aysan marnaba joojin dadaaladooda nabad ilaalinta ah ee ay ka sameeyeen dalal Soomaaliya ay ku jirto.

Masar waxya sheegtay in ciidamadeeda ay tageen gobolka Daarfuur, Somalia, Jaziiradda Comoros, Ivory Coast, Angola, Mozambique, Liberia, Burundi, Rwanda iyo Dalka Bosnia and Herzegovina oo ay ka tageen Caasimadda Sarajevo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com