27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Wasiirka amniga oo hanjabaad u diray shaqsiyaadka hubeysan ee ku sugan Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ka hadlay qorshaha dowlada Federaalka ay ku nabadeyneyso magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshaha cusub uu yahay in magaalada Muqdisho lagu nabadeeyo muddo dhan 3bil oo hadda fooda nagu soo heysa.

Wasiir Ducaale, waxa uu tilmaamay in Hay’adaha amniga ay si rasmi ah u fulin doonaan dhammaan awaamirtii kasoo baxday Xukuumada.

Wasiir Ducaale waxa uu ku hanjabay in talaabo sharci ah laga qaadi doono cidii is hortaag ku sameynaa Howlgalka Hub ka dhigista ee hadda socda.

Waxa uu intaa ku daray inaan la aqbali doonin in waddooyinka Muqdisho ay isticmaalan baabuur tikniko ah oo warqad fasax ah aan wadan, isagoo xusay in askari hubeysan iyo dareys aan lagu wadan karin magaalada.

Isagoo arrintaasi ka hadlaayay ayuu yiri ”qofka askariga ama Milateri ha ahaado, Boolis iyo Nabadsugid hala soo xiriiro taliyihiisa warqad cadeyn haka keensado, hadii la arko askari kaligiis iska socda hubka waa lagala wareegayaa, isagana xabsi ayaa la dhigayaa waa go’aan guud illaa Madaxweynaha ka soo baxay”

Sidoo kale, waxa uu Wasiirka Amniga ku hanjabay inuu ka shaleyn doono Askarigii dagaal kala hor imaada ciidamada Hub ka dhigista waxa uuna cadeeyay in wixii lagu fulin lahaa ay tahay mid cad.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka ayaa u digay Saraakiisha iyo Ciidamada dowlada ee Gaadiidka dagaal ku dhex isticmaala magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News