Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa ka hadlay howlgalada ay ciidamada Xasilinta kawadaan magaalada Muqdisho.
Sambaloolshe waxa uu sheegay in Howlgalka uu yahay mid bilow ah isla markaana uu sii xoogeysan doono maalmaha soo socda.
Waxa uu Sambaloolshe tilmaamay inaan loo dulqaadan doonin shaqsi waliba ha ahaado Mas’uu ama Ciidan, waxa uuna cadeeyay in howlgalka uu saameyn doono cid waliba.
Waxa uu intaa raaciyay in aysan jiri doonin Shaqsiyaad ku gambada Madaxda Dowladda , waxa uu xusay in cid walbo si siman loogu qaadi doono talaabo hadii ay ka hor yimaadaan howlgalada socda.
Waxa uu cadeeyay in aysan raali ka noqon doonin in la Carqaladeeyo Ciidamada Howlgalada ka wada Muqdisho.
Dadka kasoo horjeeda howlgalka socda ayuu sheegay inay dusha saaran doonaan wixii mas’uuliyad ah waxa uuna ku celcelshay in isla xisaabtanka uu intaa kasii badan doono.
Si kastaba ha ahaatee, Sambaloolshe ayaa ka digay in la hor istaago howlaha lagu xasilinaayo magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

