Wasiirka amniga oo is furtay iyo taliyeyaasha booliska iyo nabad suggida Xamarweyne oo xilkii laga qaaday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaalle) ayaa maanta xilkii ka qaaday Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad Suggida Degmooyinka Xamar Jajab Iyo Xamar weyne, kadib markii maanta la soo gaba gabeeyay Baaritaanka dhacdadii Degmada Xamar weyne.

Wasiirka Amniga oo ka hadlayay Xarunta Jen. Kaahiye ayaa sheegay baaritaanka kiiskan ay iska kaashadeen Wasaaradda Amniga iyo Taliska Booliska, isagoo xusay in baaritaan uu ku socdo gaari looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay falkaas.

Wasiir Islow, ayaa sidoo kale sheegay inay xiran yihiin in ka badan 10 askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda, kuwaasi oo ku eedeysan dayacitaanka shaqada qaranka, maadaama meesha dilka uu ka dhacay meel ku dhaw ay ku qornaayeen ciidan, balse ay ka maqnaayeen.

Sidoo kale waxaa la soo qabtay shaqsi la tuhmaayo inuu ka dambeeyay falkii lagu dilay Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka iyo Wiil ay dhashay Batuule Gabale, oo Arbacadii lagu dilay Degmada Xamar weyne, waxaana shaqsigaasi iyo gaarigii uu watay ku socoto Baaris.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in xabsiga la dhigay Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida degmada Xamar weyne oo lagu eedeeyay xil gudasho la’aan iyo dayac.

“Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida ee degmada Xamar weyne xabsiga ayaa la dhigay, xilalkana waa laga qaadaty, sidoo kale waxaa xabsiga la dhigay 12 askari oo ku kala qornaa labo isgoys oo midna weerarka ka dhacay, midna ku dhowaa, waxaa ku raad-joognaa askar kale oo ku qorneyd labada Isgoys”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Wasiirka amniga ayaa sidoo kale sheegay inuusan jiri doonin masuul Dowladeed oo xilka iska haynaya, isaga oo aanan si dhab ah u gudan waajibaadka shaqo ee saaran.

Maxamed Abuukar Ducaalle, ayaa sheegay inuu jiri doono isla xisaabtan adag, kormeer iyo dabagal ku aadan shaqooyinka ay qabtaan Saraakiisha ciidamada Booliska Somaliya.

Natiijada baaritaanka uu soo bandhigay Wasiirka Amniga ayaa noqonaya kiiskii ugu weynaa ee sida wadajir ah ay baaritaankooda uga qeyb qaataan Wasaaradda Amniga iyo Taliska Booliska.

Tallaabada maanta uu ku dhawaaay Wasiirka amniga ayaa ah mid si wayn u muujinaysa isbedelka ku aadan sida ay madaxda uga go’an tahay in  meesha laga saaro Saraakiisha ciidanka ee curyaaminaya shaqada Qaranka.