26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

C/risaaq & Tuuryare oo la amray iney iscasilaan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo labadii maaalin ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ay ka dhaceen dilal kala duwan oo qorsheysan ayaa waxaa lasoo jeediyay iney is casilaan wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya iyo taliyaha hayada nabad sugida xukuumada Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliya ayaa soo jeediyay in ay iscasilaan wasiirka amniga gudaha xukumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed iyo taliyaha hay’adda nabad sugidda Gen.C/raxmaan Maxamed Tuuryare.

Xildhibaanada oo ka hor hadlay kulan Baarlamaanka Soomaaliya ay shalay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ayey ku baaqeen in Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabad Sugidda ay iscasilaan.

Xildhibaanada ayaa sheegay in labada masuul ay ku fashilmeen sugida amaanka magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya, sida ay sheegeen.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Aadan Hiiraale  oo ka mid ah Xildhibaanada soo jeediyay in Tuuryare iyo C/risaaq  ay iscasilaan ayaa sheegay in ciidanka nabad Sugidda ay Rasaaseeyen islamarkaana ay dili rabeen sida uu hadalka u dhigay.

Muddo 24 saac gudahood waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dilal badan oo ahaa kuwo qorsheysan, waxaana loo geystay masuuliyiin dowlada ka tirsanaa iyo shaqaale ka tirsanaa hayadaha Turkiga ee ka shaqeeya dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News