Gaas oo Ethiopian-ka ku hor aflagaadeyey Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas oo dowlada Ethiopia uga warbixinaayay muranka kala dhexeeya Dowlada Somalia iyo Beesha Caaalamka ayaa sheegay in murankaasi uu sabab u yahay wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating.

C/wali Gaas waxa uu sheegay in Maamulka Puntland ay dooneyso in wax waliba loo eego dhanka wanaaga balse Beesha Caalamku ay si gaar ah u tixgalisay rabitaanka Xassan Sheekh Maxamuud.

Gaas waxa uu Xubnihii uu la kulmay u sheegay in Madaxweynaha Somalia uu mar waliba la imaado Siyaasado lidi ku ah Maamulada Puntland iyo Jubbaland taasina ay muujineyso in duulaan lagu yahay Beelaha labadaasi Gobol dega.

C/wali Gaas oo Xubnahaasi sharaxaad gaar ah ka siinaayay Muranka ayaa waxa uu sheegay in Ujeedka ugu weyn ee loo qeexay 4.5 uu yahay in Xassan Sheekh uu dib ugu soo laabto xilka Qaran, balse Puntland ay dhaliilsan tahay qaabka uu xilka ku raadinaayo.

”Haddii uu u baahan yahay in mar kale uu Madaxweyne ka noqdo Somalia, sow-ma habooneyn in qaab deegaan uu ololaha ku galo, qorshihiisu waxa uu ka bilowdaa in Xildhibaanada cusub uu iibsado, waxa uuna ku dhamaadaa in si nabadgalyo ah uu mar kale ugu fadhiisto kursiga, aaway masiirka Umadda Soomaaliyeed”

Madaxweyne Gaas waxa uu si ganbasho la’aan ah Madaxda Dowlada Ethiopia ugu hor aflagaadeeyay Madaxweynaha Somalia isaga oo u adeegsanaaya Erayo aan ku habooneyn diblumaasiyada waxa uuna Dowlada Ethiopia ka dalbaday in garab lagu siiyo sida uu Xassan Sheekh u fashilin lahaa isaga oo adeegsanaaya diidmada 4.5.

Gaas waxa uu tilmaamay in Puntland arrintaani ay u aqoonsan doonto Beel gaar ah oo beel kale ku cadaadineys rabitaankeeda waxa uuna tusaale usoo qaatay in Dowlada Somalia iyo Beesha Caalamka ay dhageystaan rayi uruurinta lagu sameeyay beelaha dega Xamar la qaatay balse tan Beelaha aragtida Puntland la diido.

Dhinaca kale, Madaxweyne Gaas ayaa waxaa lagu wadaa in maanta uu dacwadaasi la xiriirta diidmada 4.5 hordhigo Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, oo uusan wali kulan ku arag tan iyo markii uu shalay tagay magaalada Addis ababa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com