RW CC oo diray FARIIN ka careysiisay GAAS & Xiriirka labada mas’uul oo xumaaday (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online ):- Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay war dhawaan uu shaaciyay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas.

Ra’isul wasaaraha dalka ayaa sheegay in Puntland ay dhowr jeer ku celcelisay inay ka go’eyso Somalia inteeda kale, waxa uuna Sharmaarke hadalkaasi ku sheegay mid aan la miisaamin.

Sharmaarke waxa uu tilmaamay inay dhici karto kooxo gaar ah oo ka carooda Siyaasada Somalia kuna dhawaaqa inay ka go’ayaan Somalia, balse xaqiiqdu ay tahay in Somalia aysan sinaba ku kala go’in islamarkaana arinku uusan aheyn mid sahlan.

Sharmaarke waxa uu sheegay C/wali Gaas uu mar waliba awood ka dhigto inuu ka go’aayo Somalia haddii aan la hirgalin rabitaankiisa, hayeeshee taasi aysan waxba u arag Dowlada Somalia.

”Ka mid ahaanshaha Somalia iyo ka go’ideeda maaha wax carabka foodiisa saaran Dowladu culeys kuma heyso, cid waliba iyada ayay maslaxad u tahay in Somalia ay kasii mid noqoto”

Sharmaarke waxa uu sheegay in suuragal aysan aheyn in mar waliba ay Dowladu raali galiso cid gaar, ah waxa uuna su’aal ka dhigay haddii ay wakhti waliba kooxo gaar ah ay raali galiso yaa Dowladu iyana raali galinaaya?.

Haddalka Sharmaarke ayaa si gaar ah u xanuun jinaaya madaxweynaha Puntland, waxa uuna haddalkaasi imaanayaa xili Gaas uu dhawaan shaaca ka qaaday in Somalia ay ka go’i doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com