Wasiirka Arimaha gudaha oo tagay Afgooye

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga qaranka ee Dowlada Soomaaliya Cabdi kariin Xuseen guuleed ayaa maanta waxaa uu gaaray Gobolka Shabeelaha Hoose.

Socdaalka Wasiirka ayaa waxaa uu ku tagay Degmada Afgooye ee gobolka sh/hoose waxaana Safarka Wasiirka ku wehlinayay Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada  iyagoo haatana kulama halkaas kula qaadanaya Maamulka degmada.

Ujeedka Socdaalka Wasiirka ayaa waxaa ay tahay sida uu ula socon lahaa Xaalada Amaan ee degmada Afgooye iyo sidii shacabka degmadaas Nabad loogu so horseedi lahaa.

Sidoo kale masuuliyiin katirsan maamulka Gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in socdaalka wasiirka ay suuragal tahay inuu ku tago deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose.

Waxaa kale oo Wasiirka uu kala hadli doonaa maamulka degmada Afgooye Isbaarooyin ciidanka Dowlada ay soo dhigteen Lafoole waxaana ay jibiyeen Amarka Madaxwaynaha.