25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Wasiirka arrimaha gudaha oo u gooyey kullankii baarlamanka & buuq ka dhashay mooshin socda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaadda Arrimaha Gudaha & Federalka Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa maanta tagin kulan lagu waday in Baarlamaanku ku yeesho Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Sare Baarlamaanka, ayaa shalay Wasiirka ku wargeliyay in Arbacada maanta uu yimaado kulanka Baarlamaanka, si wax looga weydiiyo waxa ay Wasaaraddiisu kala socoto habka soo xulista ee Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.

Baarlamaanka wuxuu gacanta ku hayaa mooshin laga keenay Baarlamaanka Jubbaland, waxaana Arbacada maanta lagu waday in go’aan kama dambeys ah laga gaaro. In codka Xildhibaanada la geliyo iyo in xal kale la raadiyo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa warqad u soo diray Guddoonka Sare Baarlamaanka, taasoo uu ku sheegay in si kedis ah ay ugu yeereen, isla-markaana uu weydiisanaayo in maalin kale looga dhigo.

Xildhibaanadii mooshinka ka keentay Baarlamaanka Jubbaland, ayaa buuq iyo sawaxan ka sameeyay Xarunta Golaha Shacabka, iyagoona Jawaari, Wasiir Odawaa iyo Madaxda Dowladduba ku eedeeyay inaanay doonayn mooshinka ka dhanka ah Jubbaland.

Kulankii maanta, ayaa ku soo dhammaaday buuq, iyadoo aan horey loo sii amba qaadin wixii laga yeeli lahaa mooshinka yaala Xarunta Baarlamaanka Somaliya.

Jubbaland, ayaa waxay ku goodisay inay ka fiirsan doonto xriiirka ay la lee dahay Dowladda Federalka, haddii aynaan waxba ka qaban mooshinkaasi, oo ay ku sheegtay mid lagu carqaladeynayo xiriirka Dowladda kala dhaxeeya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News