Mareykanka oo lacagta ka jaranaya mid ka mid ah dalalka Amisom ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa shaqeynaya isagoo taageero aysan helin ciidamada labaad ee ugu badan howlgalkaasi ka socda dalka Soomaaliya ee Burundi xili Mareykanka uu sheegay inuu jarayo dhaqaalaha uu siin jiray ciidamada Burundi.

Askarta Burundi kaga sugan Soomaaaliya oo lagu sheegay 5,432 akari ayaa howlgalka kasii mid ahaan doono xili midowga Africa uu go’aansanayo inuu keenayo ciidamo cusub iyo inkale.

War qoraal ah oo lagu daabacay waaxda arimaha dibada Mareykanka ayaa lagu sheegay in dowlada ay jari doonto taageerada militiri ee ay siinayeen ciidamada Burundi, waxaana loo sababayeeyay ilaa ay ka fogaadaan xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo xaalada afgambiga dhicisoobay ee dalkooda.

Iyadoo sidaasi ay jirto ayaa hadda dowlada Mareykanka waxay sheegtay iney jari doono taageerada dhaqaale ee Militari oo ay siin jireen ciidamada Burundi si ay ugu hishiiyaan geedi socod cusub oo ay ku wada shaqeyn karaan.

Ciidamada Burundi ayaa qeyb ka ah sector-ka seddexaad waxayna ciidamadooda inta badan ku sugan yihiin Baydhabo iyo deegaanada uu ka arimiyo maamulka koofur galbeed ee Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool.

Qaarkood ayaa ka howlgala magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka xaqiijinta amaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com