Goobihii diiwaan galinta Somaliland oo la xiray !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in albaabada loo laabay goobihii loogu talo galay in lagu diiwaan galiyo dadweynaha kadib markii shaqaalihii goobahaasi ka howlgalaayay labadii bilood ee ugu dambeeyay aan la siin wax mushaar ah.

Wasaarada arimaha gudaha ayaa shaqaalahaasi qaadatay kuwaas oo ku dhaw shanboqol oo ka mid ah ardaydii jaamacadaha Maamulka waxa ayna ka hawlgalisay gobalada Maroodi-jeex, Awdal, Saaxil, Togdheer iyo Ceerigaabo.

Shaqaalahaasi iyo wasaarada arimaha gudaha ayaa labadii todobaad ee ugu dambeysay ahaa kuwo madaxa iskula jiray waxaana xabsiga loo taxaabay lix shaqaalahaasi ka mid ahaa oo midkood wali xabsiga ku sii jira.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaqaalihii loogu talo galay dhalinyaradaasi lagu biiriyay Munaasabadii dhawaan ka kala dhacday deegaanada Maamulka, iyadoona shaqaalaha qaar loogu goodiyay inay muteysan doonaan xabsi waa haddii ay ka hadlaan arrinta mushaar la’aanta.

Sidoo kale, Wasiirada arimaha gudaha iyo Maaliyada ayaa shaqaalahaasi u sheegay in aanay wax dhaqaale ah u haynin iyada oo wasaaradiba wasaarada kale ay ku riixday.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili uu sii xumaanayo xiriirka ka dhexeeya Maamulka Somaliland iyo deeq bixiyayaashii dhaqaalaha laga heli jiray, waxaana suuragal ah in dhaqaalo la’aan ay usii dib dhacdo doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com