XOG: Dhaqaale yari soo wajahday xukuumadda Soomaaliya (Dowlad dulsaar ku ah MUQDISHO)

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlayay dhaqaalo daran  baahsan oo soo wajahday xukuumada Soomaaliya iyo mushaar la’aaan soo wajahday shaqaalaha dowlada Soomaaliya.

Maxamed Aadan Ibraahim, wasiirka maaliyada xukuumada Soomaaliya ayaa golaha wasiirada u gudbiyay nidaamka casriga ah oo ay ku shaqeyso wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya, wuxuuna wasiirka sheegay in la adeegsanayo qaabka casriga ee lagu ogaanayo dhaqaalaha baxayo iyo kuwa soo galaya.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in golaha wasiirada loo gudibiyay miisaaniyada sanadka 2015 lagana dooday, maadaama ay soo baxeen caqabado badan oo u baahan in laga gudbaa, wuxuuna soo jeediyay in lala xisaabtamo dhamaan wasaaradaha kala duwan ee dalka.

“Waxaad la socotaan inaan la bixin mushaaraadka dowlada, 50% daqliga dowlada gudaha ayaa laga helaayay, dhaqaalihii dibada wali muusan imaan, golaha wasiirada arimahaasi waan la wadaagay maadaama xal loo baahan yahay, waxaana loo baahan yahay in wasaarada kastaa lala xisaabtamaa”ayuu yiri wasiirka maaliyada.

Wuxuu sheegay in taasi badalkeeda loo baahan dib u eegis lagu sameeyo hishiisyadii lala galay hayadaha dibada, isaga oo soo jeediyay in shacabka Soomaaliyeed ay la xisaabtami karaan xukuumada Soomaaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com