Wasiiro iyo Xildhibaano ku jawahan Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya iney socdaan qaban qaabada safar magaalada Beledweyne ay ku tagayaan wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaaliya.

Inkasto wax is badali karaan haddana Caasimada Online ayaa ogaatay in wafdi uu hogaaminayo wasiirka amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ay ku wajahan yihiin magaalada Beledweyne.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xubno ka tirsan wasaarada arimaha gudaha ay wafdigaasi qeyb ka noqon doonaan, kuwaasi oo la qorsheynayo iney magaalada kula kulmaan xubnaha ku sugan.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa iney qeyb ka noqdaan wafdiga tagaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Waxaa magaalada horey ugu sugnaa xildhibaano, siyaasiyiin iyo odayaal Dhaqameed tagay magaalada maalintii Tallaadada kuwaasi oo la filayo iney magaalada kusoo dhaweeyaan wafdiga beri tagaya.

Ujeedada ugu weyn ee wafdiga xukuumada ayaa lagu sheegayaa iney tahay qorshaha wajiga labaad loogu wareejinayo shirka ka dhacayay maalmahaan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com