Xasan Sheekh oo cadaadis lagu saarayo inuu ka laabto dacwadii uu Kenya ka geeyey maxkamada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo R/wasaare Cumar C/rashiid ayaa ka wadahadlaya arrinta ku saabsan dacwad sannadkii hore ay Soomaaliya maxkamadda caalamiga ah ee Hague ka geysay Dowladda Kenya, oo ay ku eedeysay in ay gudaha u soo gashay xudduuda dhanka badda ee u dhexeysa labadda dal.

Kenya oo ay ciidan ka joogaan Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay dooneyso in ay gacanta ku dhigto dhul badda ah oo dhirirkiisu ka badan yahay 100-km oo wareeg ah, iyada oo Kenyaanku ay hadda billaabeen galaan gal siyaasadeed oo Dowladda dhexdeeda ah, ayna ku doonayaan in Dowladda Soomaaliya ay si (Official) ah ugu dhawaaqdo in ay dacwadaasi ka laabatay.

Mid ka mid ah wasiiradda xukuumadda oo magaciisa qariyey ayaa sheegay in R/wasaare Cumar uu gadaal ka riixayo qorshaha ku saabsan in la laalo dacwadda maxkamadda caalamiga ah la geeyey.

“Dhaqdhaqaaqyo ayaa socda waxaana wada Cumar C/rashiid oo doonaya in Dowladda Soomaaliya ay ka laabato dacwadii Maxkamadda Hague ay ka geysay Kenya ee ku saabsaneyd in Kenya ku soo xadgudubtay xadka dhanka badda ah” Ayuu yiri mas’uulkaas, wuxuuna intaa ku daray in ay dhici karo in Kenyaanku ay kula gorgortamaan madaxda sare ee Dowladda in u fuliyaan dano gaar ah, taa beddelkeedana laga qaado culeyska caalamiga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com