Xog: Dowlada Ethiopia oo lagu wareejiyay shirka Cadaado iyo odaydhaqmeed kashifay sir badan

Muqdisho (Caasimada Online) – C/llahi Rooble oo kamid ah Odayaasha ku sugan Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ka hadlay waxa uu ku saleysan yahay shirka ka socda Cadaado iyo kaalinta ay ku leeyihiin Dowladaha dariska la ah Somalia.

Waxa uu sheegay in Magaalada Cadaado ay ku sugan yihiin Saraakiil ka kala tirsan dalalka Jabouti, Ethiopia waxa uuna tilmaamay inay kaalinta koowaad kaga jiraan qaska ka taagan Hoolka uu shirka ka socdo.

C/llahi Rooble ayaa cadeeyay in Shirka ka socdo Cadaado ay la wareegtay Dowlada Ethiopia, kadib markii ay DF Somalia dal batay in Axmed C/salaan laga saaro Musharaxiinta u taagan Maamulka, bedelkeeduna Dowlada Ethiopia lagu wareejiyay Shirka.

Waxa uu farta ku goday in iminka shirka uu yahay mid ay gacanta ku heyso Ethiopia Odayaashuna ay ka amarqaatan Labada Sargaal oo asal ahaan kasoo jeeda Somalia balse heysta dhalashada dalka Ethiopia kuwaasi oo ay ka go’do talada shirka.

”Waan filaayay in arrintaani ay dhaceyso Dowlada Somalia wey na qiyaan tay, waxaan moodnay in shirka ay gacanta ku heyso su’aashu waxa ay tahay sideen kula shaqeynaa Dowlada Ethiopia”

Sidoo kale, waxa uu ku nuux-nuuxsaday in Ergo waliba ay Dowlada Ethiopia ka xulatay hal ruux oo kala shaqeeya, taasina ay meesha ka saareyso rajadii laga lahaa dhismaha Maamulka G/Dhexe.

Dhanka kale, DF Somalia ayuu sheegay inay dayacday mas’uuliyadii ka saarney dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka feejignaadan damaca ay DF Somalia gacanta ugu galineyso Dowlada Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com