Wasiirka cadaalada oo ka qeyliyay cadaalad darada xabsiyada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaalada Somalia Abuukaate Xasan Xuseen Xaaaji, ayaa shaaca ka qaaday inayweli jiraan xadgudubyo lagu hayo Maxaabiista ku jirta Xabsiyada qaar ee ku yaal magaalada Muqdisho.

Wasiirka waxa uu sheegay in Xabsiga Dhexe ee Xamar uu ka dareemaayo inay jiraan isbedelo dhanka Cadaalada ah, balse waxa uu cadeeyay in dhibaatooyinka ugu badan weli lagu hayo dadka aan laheyn cido ka danbeeya.

Waxa uu Wasiir Abuukaate Xasan Xuseen Xaaaji sheegay in lama huraan ay tahay in Garsoorka ay si siman u helaan dhammaan dadka u xiran danbiyada waxa uuna farta ku goday inaanu dib u hirgali doonin kala sareeysiinta shacabka danbiilayaasha ah.

‘’Xabsiyada waa in loogu arxamaa maxaabiista ku jirta waxa ay shaqadeenu tahay kama xishoon doono Xabsigii ama Saldhigii aan ku helnaa xadgudub dhanka Maxbuuska ah waxaanu la tiigsan doona sharciga’’

‘’Qorshaheenu waa inaan helnaa cadaalad ay u wada siman yihiin dhammaan muwaadiniinta ma aqbali doono in shacabka lagu kala sareysiiyo Xabsiyada’’

Waxa uu tilmaamay in dacwada ugu badan ay kaga imaado dhanka dadka aan heysan dhaqaalaha lagu bixiyo qareenada u dooda dadkooda, waxa uuna ballanqaaday in mudada uu sii heyn doono xilka ay xooga saarayaan sida xal dhanka qareenada ah loogu raadin lahaa dhibanayaasha ay ku furantahay dacwada.

Sidoo kale, wasiirka ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in la daryeelo Maxaabiista Soomaaliyeed oo uu sheegay inay dhibaato ugu filan tahay waxa ku dhex heysta Xabsiyada.

Dhianaca kale, Wasiirku waxa uu xusay in Wasaaradda Cadaaladu ay ka go’an tahay sidii wax loogu qaban Maxaabiistaasi ku jira Xabsiyada isla markaana ay wadaan baaritaano la xiriira Kiisaska ay u xiran yihiin Maxaabiista.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com