Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee XFS Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa la sheegay in galabta uu hor-istaagay ciyaar uu soo abaabulay TV-ga Astaan Cable, isagoo adeegsanaya awood ciidan.
Qoraal ka soo baxay Telefishinka Astaan ayaa lagu sheegay in ciyaartaas oo ka dhici laheyd garoonka Tayo Stadium oo ah Garoon gaar loo leeyahay ay joojiyeen ciidamo ka amar qaata Wasiirka.
“Ciidamo Taabacsan Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdiqaadir Cali ayaa awood ku joojiyay Koobka Todobaadka Xuriyadda oo galabta ka furmi lahaa garoonka Tayo Stadium oo ah Garoon gaar loo leeyahay,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay maamulka Astaan Sports.
Warka ah in Wasiirkii Ciyaaraha Dowladda uu joojiyey ciyaar ay qabsanayeen dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa caawa qabsaday ciwaanada hore ee warbaahinta maxaliga ah, wuxuuna noqday war yaab leh.
Wasiirka joojiyey ciyaarta ee eedaan xasaasiga ah ay dul hoganeyso ayaa ka tirsan qoyska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ka dhigan in Madaxweynuhu uu awoodi waayey inuu kala ilaaliyo qoyskiisa iyo Dowladnimada.
Dadka arrintaan uga faalooday baraha bulshada ayaa qaarkood ku taliyey in Madaxweynaha ugu yaraan ay aheyd in awoodda xubnaha qoyskiisa uu dhimo, si dadka kale aysan ugu takri falin, isagana aysan ceeb ugu soo jiidin.
Dadka qaar waxay sharaf dhac ka dhan ah dowladnimada ku tilmaameen hab-dhaqanka awooddeed ee uu maanta tartan ciyaareed maxali ah ku hor istaagay wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha, oo hada ka tirsan qoyska madaxweyne Xasan Sheekh.
Wasiirku sharci uma lahan inuu tartan ciyaareed hor istaago, ama uu warbaahinta cadaadiyo sababtoo ah kubadda cagta waxaa maamula xiriirka, warbaahintana wixii looga baahdo waa in loo mara wasaaradda warfaafinta ama Golaha Warbaahinta Qaranka.
Dadka arrintaan ka carooday tallaabada wasiirka waxay ku taliyeen in xilli hore laga hortago fadeexooyin waaweyn oo xubnaha qaar ee qoyska Madaxweynaha ay geysan karaan, sida wasiirkaan hadda eedeysan, si loo ilaaliyo dowladnimada iyo kala dambeynta.