Wasiirka dastuurka oo maanta Xildhibaanada hor tagaya iyo waxyaabaha lagu heysto

Cabdi raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka wasaarada Dastuurka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in uu hor tago Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya kuwaas oo dhawaan dalbaday in uu si deg deg ah Ku hor yimaado Golaha Shacabka.

Arbacadii la soo dhaafay ayaa Mooshin lagu dalbanayay Wasiir Xoosh inuu hor-yimaado Baarlamaanka ayaa waxaa loo gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka, iyadoo markii dambena uu Guddoonka uu ku wargeliyay Wasiirka in maanta oo Axad ah hor-yimaado Baarlamaanka.

Ilaa 11 Xildhibaan ayaa dalbaday in Wasiirka loo yeero si wax looga weydiiyo fikirkiisa Ku aadan ka hor imaanshiyaha Go’aanka Golaha qaateen.

Kulanka waxaa Shir gudoomin doono Gudoomiye jawaari Waxaana la aaminsan yahay in uu wax badan ka badalanyahay kuwii hore.

Wasiir Xoosh ayaa fariin uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa ku tilmaamay go’aankii Baarlamaanka ay ku laaleen amarkii Maxkamadda sare inuu yahay mid sharci darro ah oo aanu Baarlamaanka awood u laheyn inuu jebiyo go’aan ay gaartay Maxkamadda sare.

Inta badan Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa taageeray go’aankii Baarlamaanka uu ku laalay amarkii Maxkamadda sare ee ahaa in dib loogu celiyo doorashada 8 kursi oo sharci ahaanshahooda muran la geliyay.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com