Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan deegaanka Ceel-la helay ayaa ka hadlay howlgallada Galgaduud.
Wasiirka ayaa sheegay in howlgalladu ay meel wanaagsan marayaan, ciidamaduna ay la waregeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan dowlad goboleedka Galmuudug.
Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray dadka shacabka ah ee ka barakacay deegaanada la xoreeyay, isaga oo ugu baaqay inay si nabad ah ugu soo laabtaan guryahooda.
Jaamac ayaa sheegay ciidanka Qaranka iyo guud ahaan dowladda inay u taagantahay caawinta iyo garab istaaga dadka deegaanka ee ku dhaqan deegaanada la qabtay.
Dhanka kale, waxa uu wasiirku boggaadiyay ciidanka dadka deegaanka ee sida buuxda u garab taagan Xoogga dalka oo iyaguna guulo waa weyn ka gaaray dagaalka Al-Shabaab.
Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana ciidamadu ay ku sii siqayaan deegaano iyo magaalooyin ku yaalla Galmudug.
Dagaalkan waxaa hoggaaminaya madaxweyne Xasan Sheekh oo bishii labaad oo xiriir ah ku sugan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, waxaana shalay oo u dambeysay uu la shiray saraakiisha ciidanka sida gaarka u tababaran Gorgor, isaga oo kala hadlay dagaalka.
Si kastaba, waxaa duulaankan qayb ka ah duqeymo diyaaradeed oo uu Mareykanka ku taageerayo ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan halkaasi.