Ducaale oo BF horgeynaya hindise sharciyadeed lid ku ah argagixisada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha Shacabka baarlamaanka Somalia ayaa lagu wadaa inay kulan ku yeeshaan Xaruntooda magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa la filayaa inay maanta ka shiraan qodobo dhowr ah, waxaana la horgeynaa hindise sharciyeedyo ay soo diyaarisay Wasaarada amniga ee Xukuumada Somalia.

Hindise sharciyeedyada la horgeynayo Xildhibaanada ayaa waxaa ka mid ah hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada iyo hindise sharciyeedka xakameynta hubka wax dila.

Wasiirka Wasaarada Amniga Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Islow ”Ducaale”, ayaa sidoo kale hortagaaya Xildhibaanada waxaana uu ka hor aqrin doonaa labada sharci ee kor ku xusan.

Sharciyadaan ayaa golaha Wasiirada Xukuumada Somalia markii ay ansixiyeen waxaa ay sheegeen in ay yihiin kuwo muhiim ah isla markaana loo baahan yahay in golaha shacabku ay meel mariyaan Aqrinta 1aad Aqrinta 2aad iyo Aqrinta 3aad ka dib.

Hindise sharciyeedka la dagaalanka Argagixisada waxa uu ka kooban yahay 37 qodob.

Qodobka 35-aad ee xeerkan waxa uu tilmaamaya awooda qaadista dacwadaha xeerkan, waxa uuna u qoran yahay sidatan.

1-Maxkamadaha rayidka ayaa leh awoodda qaadista dacwadaha ka dhasha fal dambiyeedka argagixisada ee uu xeerkan tilmaamayo.

2-Cid kasta oo ay cadaato in eedeynta loo soo jeediyay aysan aasaas lahayn kana soo gaarta waxyeelo sharafeed iyo mid hantiyadeed, waxa uuna xaq u yeelanaya raali gelin mag dhaw u dhiganta mida soo gaartay.

Qodobka 31-aad ee xeerkan waxa uu tilmaamaya qaabka koox loogu tilmaami karo argagixiso.

1-Hadii Wasiirka wasaarada u xil saaran amniga gudaha uu hayo sababo macquul ah oo uu ku aamino in koox mucayin ahi ay ku lug leedahay howlo argagixiso,waxa uuna isaga oo cuskanaya xog sugan oo ay so gudbiyaan taliyaasha hay’ddaha amniga soomaaliyeed isaga oo wargelinaya cid ay khuseyso waxa uu ku dhawaaqaya kooxdaasi ay tahay koox argagixiso iyadoo la raacayo xeerkaan.

Sidoo kale hindise sharciyeedka xakameynta hubka wax dila waxa uuna isna ka kooban yahay 10 qodob.

Geesta kale, Hindise sharciyeedka Xakameynta hubka wax dilo ayaa hadii la ansixiyo waxaa uu sahlayaa in aan magaalada lagu dhex qaadan hub aan sharciyeysneyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com