Wasiirka gaashaandhigga UK oo saxay qoraal uu dal ugu yeeray Somaliland (Arag waxa uu yiri markan)

London (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga UK, Gavin Williamson, ayaa tiray qoraal uu soo dhigay twitter-ka oo uu Somaliland ugu yeeray dal, wuxuuna soo dhigay qoraal kale.

Wasiirka oo axaddii booqday magaalada Hargeysa ayaa maanta bartiisa twitter-ka soo dhigay Isniintii qoraal uu ku yiri “Waxaan nasiib u yeeshay inaan la kulmo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, si aan ugala hadlo xoojinta xiriirka labadeena waddan. Waxaan sidoo kale fursad u yeeshay inaan arko shaqada qaar ka mid ah ciidamadeena ay ka wadaan Somaliland”

Si kastaba saddex saac kadib wasiirka ayaa qoraalkiisa ku sameeyey is-beddel wuxuuna ka saaray meeshii uu ku yiri labadeena waddan.

Qoraalka cusub ee wasiirka ayaa u dhignaa sidan “Waxaan nasiib u yeeshay inaan la kulmo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Waxaan sidoo kale fursad u yeeshay inaan arko shaqada qaar ka mid ah ciidamadeena ay ka wadaan Somaliland”, waxaana uu ka rebay intan “si aan ugala hadlo xoojinta xiriirka labadeena waddan”

Qoraalka markii hore abuuray tuhun ku saabsan in UK ay Somaliland dal ahaan u aqoonsatay, ayaa waxaa hadda muuqata inuu ahaa qalad xagga faham la’aanta xaaladda taagan ah.

Caasimada Online
Xafiiska London
caasimada@live.com