Wasiirka ganacsiga Somalia oo xilka qaadis ku sameeyey agaasimihii wasaaraddaasi

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Injineer Cabdullaahi Cali Xasan ayaa shaqo joojin iyo xilka qaadis isugu daray agaasimaha wasaaraddaasi, Cabdullaahi Xayir Ducaale.

Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka, kuna taariikheysneyd 28/8/2019 ayaa lagu sheegay in xilkaasi uu si KMG u sii heyn doono, Cabdi Casiis Ibraahim Aadan oo hore u ahaa xoghayaha joogtada ee wasaaradda ganacsiga Soomaaliya.

Agaasimaha xilka qaadista lagu sameeyey waxaa horay shaqada uga joojiyey wasiirkii hore ganacsiga iyo warashadaha, Maxamed Cabdi Xayir, iyadoona markii dambe dib loogu soo celiyey shaqada iyo xafiiskii uu joogay.

Haddaba sababta xilka looga qaaday agaasime, Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa lagu sheegay in Cabdullaahi Xayir Ducaale uu shaqaalaha wasaaradda ka dhex abaabulayo kooxeysi, qabiileysi, cabsi gelin,  maamul-xumo, musuq maasuq, been abuur iyo iska horkeen shaqaalaha dhexdooda ah, tan iyo markii uu shaqada kusoo laabtay.

Ugu dambeyn wareegtada ayaa lagu amray in agaasimahu wixii qalab iyo dukumiinti ah ay wasaaradda leedahay uu wareejiyo, kadibna uu iska xaadiriyo xarunta wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com