25 C
Mogadishu
Wednesday, July 9, 2025

Wasiirka Maaliyadda DF oo guddoomay biladda wasiirka ugu wanaagsan Afrika

Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta lagu guddoonsiiyay billadda “Wasiirka Maaliyadda Afrika ugu Wanaagsan 2025”, kadib xaflad ka dhacday magaalada London.

Abaalmarintan ayaa Wasiir Biixi lagu siiyay muddadii laba sano ahayd ee uu xilka hayay, taasoo uu ku hoggaamiyay Wasaaradda Maaliyadda hannaan hufan, isla markaana uu dadaal ballaaran geliyay dib-u-habeynta maaliyadda dalka.

Si gaar ah ayaa Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya loogu amaanay guushii dayn cafinta ee la gaaray sanadkii 2023, iyo casriyeynta hannaanka dakhliga gudaha, taasoo sahashay in dakhliga gudaha uu kobco si la taaban karo.

Sidoo kale, qorshaha xiga dayn-cafinta kadib, waxaa Wasiir Biixi lagu bogaadiyay kaalinta hoggaamineed ee uu ka qaatay dib-u-habaynta hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah. Tallaabooyinkan ayaa u suurta-geliyay Dowladda Federaalka in ay iska ilaaliso daymo cusub, isla markaana ay hesho maalgelin ku dhisan deeq.

Waxaa sidoo kale la xusay in Wasiir Biixi uu hormuud u ahaa isbeddel dhaqaale oo Soomaaliya ay waddada u jeexday, kaas oo dalal kale oo Afrikaan ah uu dhiirrigeliyay, si ay ula jaanqaadaan waddooyinka maaliyadeed ee casriga ah oo deeq ku dhisan.

Wasiirka Maaliyadda XFS, Biixi Imaan Cige, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda lagu abaalmariyay, ayaa sheegay in guusha la gaaray iyo abaalmarinta uu helay ay tahay mid ay si dhab ah u mutaysteen shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo uu ku tilmaamay laf-dhabarta horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-soo-kabashada dalka.

Wasiir Biixi ayaa sidoo kale ku ammaanay ganacsatada Soomaaliyeed geesinimada ay ku bixinayaan doorkooda dib-u-dhiska dalka, xilli ay jiraan caqabado badan oo dhaqaale iyo amniba leh.

- Advertisement -

Read more

Local News