Wasiirkii ay DF u dirtay shirkii Garowe oo qiyaano qaran sammeeyey (Dhibka lagu hayo Muqdisho oo weli socda)

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Qorsheynta Dawladda Federaalka Soomaaliya Saciid Cabdullahi ayaa shalay mar uu la tagay Deeq bixiyayaasha Caalamka Magaalada Garoowe ee caasimada u ah Maamulka Puntland waxa uu sheegay in Deeq bixiyayaasha Caalamka si toos ah ugala xiriiraan baahidooda Dawladda Puntland.

Waa qiyaano qaran, balse dowladda Xasan Sheekh ee hurudada ah aysan ka war-hayn.

Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullahi oo kasoo Jeeda Puntland ayaa ka dhigyeysa wasiirada Dawladda Federaalka kuwo uun metela Magaalada Muqdisho iyo Gobolada kale ee Soomaaliya oo aan ka ahayn Somaliland, Puntland iyo MKG ah ee Juba.

Inkastoo Dawladda Federaalka baarlamaankeeda iyo wasiiradeedu ka kooban yihiin dhamaan qabaa’ilada Soomaliya, ayaa haddana dhaqanka xukuumadda Federaalka oo uu kamid yahay wasiirka qorsheynta uu si cadaan ah u sheegayo in Puntland oo uu kasoo jeedo uusan metelin, baahideedana la weydiiyo, deeq bixiyayaasha Caalamkana si toos ah u taageeraan. Cadaalad daradaas ayaa Soomaaliya ka dhigeysa in Gobolada qaarna dadkoodu metelo oo Caalamku toos u taageero halka Gobolada qaarna ay metelayaan masuuliyiin Dawladda Federaalka oo kasoo jeeda goboladaas Caalamku tooska u kaalmeynayo, Gobolada aan dadkooda wax la weydiinin oo Dawladda Federaalku metesho waxaa kamid ah Gobolka Banadir, Sh/dhexe, Sh/Hoose, Bay, Bakool, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

Wasiirka Qorsheynta ayaa Garoowe ka sheegay in Khilaafka Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya Dhamaaday, khilaafkaas oo Puntland horey ugu sheegtay inuu ku saleysnaa:-

1- Baarlamaanka Federaalka oo wax ka bedelay qodobo kamid ah Dastuurka Federaalka Soomaaliya. Inkastoo Puntland leedahay Dastuur ka madax banaan kan Dawladda Federaalka, Xukuumad, Baarlamaan, Garsoor, Banki dhexe, Canshuur, Ciidan iyo Booliis aan hoos tegin Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa su,aasha isweydiinta lihi waxaa ay noqonaysaa Saameynta uu ku yeelan karo Dastuurka Federaalku maadama uusanba quseynin, una dhaqanto sida dawlad ka madax banana Soomaaliya. Dastuurka Puntland ayaa dhigaya in Puntland magacaabi doonto guddi is waafajiya Dastuurka Puntland iyo Kan Soomaaliya Marka Dastuurka Dawladda Federaalka Soomaaliya uu noqdo mid shacabku u codeeyay.
2- In Puntland laga siiyo qeybteeda Kaalmada Caalamku siiyo Soomaaliya. Balse Kaalmada Caalamku siiyo ayaanba lasoo marsiinin dawladda Federaalka, iyadoo xaqiiqdu tahay in Kaalmada Caalamka loo simo Dawladda Federaalka Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland, taas oo ay cadeyn u tahay Barnaamijka Waxbarashada ee Go 2 School iyo Barnaamijka Caafimaadka EPHS-ka oo uu dhowaan ku dhawaaqay bilaabashadiisa Raisul Wasaare Cabdiweli, Barnaamijka oo guud ahaan Soomaaliya loo qorsheeyay 9 gobol ayaa Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya laga Bilaabayaa 3 Gobol (Banaadir, Galgaduud iyo Gedo), halka Puntland-na laga Bilaabay 3 Gobol (Bari, Nugaal iyo Mudug) halka Somaliland laga Bilaabay 3 Gobol.

Sida haatan u shaqeyso Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ah Cadaalad Daro aad u weyn oo lagu sameynayo qaar kamid ah qabaa’ilada iyo Gobolada Soomaaliya maadaama Go,aanada, Maamulida iyo Metelaada Dawladda Federaalku saameynayso oo kaliya qaar kamid gobolada Soomaaliya.

Isku soo wada duube Dawladda magac u yaalka ee Federaalka Soomaaliya ayaa noqotay mid uun ku habsatay Magaalada Muqdisho dhaqaalaheeda iyo Maamulkeedaba, arintaas oo ay haatan muuqanayso in Muqdisho isugu yimaadeen Xildhibaano iyo xubno Xukuumad goboladoodii meel soo dhigtay oo helay Magaalo cidlo ah oo aan dad laheyn. Xildhibaanada Federaalka iyo Xukuumada ayaa ku qanacsan inay iska Maamushaan Canshuuraha iyo dhaqaalaha Muqdisho oo aysan jirin cid weydiineysa inay shacabka wax ugu qabtaan sida Mushaaraadka Isbitaalada, Iskuulaadka iyo waxyaalaha kale oo muhiimka u ah nolosha dadka Muqdisho oo canshuurta laga qaado.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com