Xukuumada Somalia oo qorsheysay in dalku amni noqon iyo BF oo ansixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Gen. Maxamed Sheikh iyo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Gen. Indhaqarshe oo ahaa masuuliyiintii laga sugayey inay dalka Soomaaliya u dhisaan Ciidamo Xoog oo dalka ka ilaaliya cadawga dibadda iyo gudaha ayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka hor sheegay in hadda aysan jirin Ciidan Xoog oo shaqeynaya oo gacantooda ku jira.

Ciidamada Xooga Dalka ee haatan jira ayay sheegeen in markii tababarada loo soo xiro ay inta badan u kala baxaan qaab qabiil, kalana raacaan masuuliyiinta dawladda ku qabiilka ah, qaar gobolada kala aadaan, una dagaalamaan qabiiladooda. Ciidamada Xooga Dalka oo dibadda iyo Dalka gudihiisa lagu tababaro ayay sheegeen in markii la tababaro oo la hubeeyo kadib kala firdhadaan inta badan, amni darada dalkana qeyb ka noqdaan.

Ciidamada ayay sheegeen in qeybi joogto Muqdisho iyo Labada Shabelle, Qeybna Bay iyo Bakool, Qeybna Jubadda Hoose iyo Gedo, qeybna Hiiraan iyo Galgaduud, ciidamadaas oo ay sheegeen in qaab beeleed u kala qeybsan yihiin, aysana jirin qeyb u gudbi karta qeybta kale. Ciidamada ayay sheegeen in ninkii dhawacma uu beeshiisa ka sugayo daaweyntiisa, sidoo kalana kii dhinta aan la daryeelin agoonta uu ka tago.

Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xooga Dalka oo sanadkaan loo ansixiyey lacag ka badan 50 Milyan Doolar ayaan sheegin isbedel cusub oo ay ku sameynayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, isbedelkaas oo ciidamada ka dhigaya ciidamo mideysan, tababar fiican leh, amar iyo kala danbeyn ku shaqeynaya, ahna ciidan dalka ka ilaaliya cadawga dibadda iyo kan gudaha.

Warbixinada Wasiirka iyo Taliyaha Ciidamada Xooga dalka ayaa ahaa in sida uu haatan u dhisan yahay ciidanku iyo sida uu u shaqeeyaba ay dalka kusii kordhineyso amni xumada, Fowdada iyo kala danbeyn la,aanta taasoo ka dhigaysa in Xukuumada Soomaaliya iyo wasaaradda Gaashaandhigu qorsheeyeen in dalka iyo dadka Soomaaliyeed-ba aysan helin amaan iyo kala danbeyn, Sidoo kalana dhageysiga warbixintaan murugada laheyd iyo wax ka qabad la,aanta baarlamaanka Federaalka oo u ansixiyey dhowaan lacag ka badan 50 Milyan Doolar Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ayaa ka dhigeysa Baarlamaanka mid qeyb ka ah in Dalku helin amaan iyo kala danbeyn.

Lacagtaan ka badan 50-ka milyan Doolar ayaa noqoneysa mid ku dhamaata inta badan Jeebka Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka iyo Saraakiisha Saadka, Lacagtaan oo bishii Noqoneysa in ka badan 4 Milyan Doolar ayaa Mushaar, Saad, qalabeyn u noqon karta ciidan ka badan 10 kun oo askari oo bishiiba qaata min 300 Doolar, Sidoo kale Ciidanka Xooga ayaa wadamo Caalamka ah ka hela lacag ka baxsan Miisaaniyadda la qorsheeyay oo ah nus kamid ah mushaaraadka Ciidamada magac ahaanta u jira

Xiliyadii hore Ciidanka Xooga waxaa lagu dhisi jiray iyadoo ciidanka la qaadanayo lagu xulan jiray dhirirka, Caafimaadka, da’da iyo wixii lamid ah iyadoo ciidanka kamid noqoshadiisa lagu tartami jiray, Xiliyadii danbe xiligii dawladda ayaa dhalinyarada laga qafaali jiray Magaalooyinka, Tuulada iyo Baadiyahaba iyadoo ciidamada lahaayeen xerooyin kala duwan, amarka iyo kala danbeyntuna aad u shaqeyn jirtay, Mushaarka iyo Raashinka ciidankana la xaqiijin jiray, sidoo kalana ciidanku lahaa sharci ciqaabeed adag oo lagu fuliyo qofkii ku xadgudba shaqadiisa, jabiyana amarka iyo kala danbeynta.

Wasiirka Gaashaandhiga oo Baarlamaanka hor keenay heshiis difaac oo uu sheegay in Dawladda Soomaaliya la gashay dalka Talyaaniga ayaan la ogeyn waxa heshiiskaani kusoo kordhinayo helitaanka Ciidamada Xooga Dalka oo Soomaaliya yeelato. Heshiiskaan oo markii ugu horeysay la arkay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya iyo Saraakiil Talyaani ah oo Baabuur tobaneeyo ah, Tuute iyo Kabaha Ciidamada ku wareejinaya Raisul wasaaraha Soomaaliya iyo Taliyayaasha Ciidamada.

Baarlamaanka Soomaaliya oo warbixinadaan Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka dhegaystay ayaan ku dhaliilin Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka xilka ay u qaadeen shacabka Soomaaliyeed oo ay kasoo bixi waayeen, ama soo jeediyaan xil ka qaadista masuuliyiintaan sheegay inaan laga sugeynin ciidan Xoog shaqeynaya, sidoo kalana masuuliyiintaani lama imaan qorshe hufan oo lagu dhisayo ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.

Taliyayaashii Ciidamada iyo abaanduuliyayaashii Ciidamada sida Gen Geele, Gen Carfiid, Gen Diini, Gen Dhegabadan ayaa qaarna is casileen qaarna xilalka laga qaaday sababo aan la ogeyn, Ciidanka Xooga Dalka ayaa haatan maraya xiliyadii uu ugu liitay sidii Taliyaha Ciidamada uu u noqday Gen Indhaqarsho. Taliyayaashii Guutooyinka Ciidamada ee kala ahaa Gen Cagey, Gen Saneey, Gen Caanood ayaa dhamaan laga dhigay Hawl gab iyadoo aan la ogeyn sababta ka danbeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com