Wasiirkii dhaawacmay ee amniga oo war ka soo saaray dagaalka dalka ka socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Axmed (Doodishe) oo shaqada uga maqan dhaawac ka soo gaaray weerarkii Hotel Villa Rays ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlayo dagaalada Al-Shabaab looga xoreyanayo Galmudug iyo HirShabeelle.

Wasiirka ayaa bogaadiyey howlaglkii ay ciidamadu maanta ku xoreeyeen magaalooyinka Xarardheere iyo Galcad, isagoo sheegay Shabaab oo laga xoreeyey galmudug iyo HirShabeelle ay noqa doonaan “kalluun biyo waayey.”

“Dib u xoraynta degmada Xarardheere waa guul kale oo taariikhi ah, guusha ciidamada qalabka sida iyo xoogagga difaaca bulshada ay ka soo hooyeen bilihii la soo dhaafay deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle waxa ay ka dhigan tahay in awooddii hogaamineed ee Khawaarijta; siyaasad, dhaqaale iyo ciidanba uu burbur weyn soo gaaray,” ayuu yiri wasiir Doodishe.

Wasiirka amniga ayaa qoraalkaan ku sheegay inuu guuleystay qorshii dagaalka seddaxda jiho ee dowladdu ay ku qaaday Al-Shabaab, kuwaas oo kala ahaa dhinacyada furinta, fekerka iyo dhaqaalaha.

“Sidoo kale waxa ay guulahaasi marqaati u yihiin sida wadashaqaynta xukuumadda iyo bulshada Soomaaliyeed, iyo hirgelinta siyaasadda cunaqabataynta dhaqaale, dagaalka xagga fekerka iyo warbaahinta (Istiraatiijiyadda Burburinta Cadawga) ee Khawaarijta lagu qaaday ay kaalin mug leh uga qaateen guusha millatari ee ciidamada qalabka sida.”

Ugu dambeyntii Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Khawaarijta oo laga nadiifiyo Hirshabeelle iyo Galmudug waxay uga dhigan tahay sidii kalluun biyo waayay!”

Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Axmed (Doodishe) ayaa lug ka jabay habeenkii ay Al-Shabaab weerareen hotelka Villa Rays oo madaxtooyada ku ag yaalla.

Doodishe ayaa loo qaaday caafimaad dibadda ah, waxaana markii ugu horeysay oo uu ka soo hadlo xaaladda dalka, tan iyo markii uu ku dhaawacmay weerarkaas.