Wasiirkii hore ee A/Gudaha: Kheyre iyo xukuumaddiisa wey mudnaayen in xilka laga xayuubiyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dalka, Cabdiraxmaan Odowaa ayaa markii u horeysay si faah-faahsan uga hadlay xil ka qaadistii lama filaanka aheyd ee baarlamaanku ku sameeyen ra’iisal wasaare Kheyre iyo xukuumaddiisa.

Odowaa oo hadda ah xoghayaha guud ee Madasha xisbiyada qaran ayaa si weyn usoo dhaweeyay xil ka tuuristii Kheyre, isagoona ku tilmaamay xukuumada aan waxqabad badan kusoo kordhin dalka.

Waxa kale oo uu sheegay in ra’iisal wasaare Kheyre uu cadaadis xoogan ku hayey wasiiradaasi, taasi oo keentay in golahiisa oo u badnaa xildhibaano ay ka codeeyan markii baarlamaanku kalsoonida kala noqonayey.

Cabdiraxmaan Odowaa ayaa u arka in xiligan ay munaasib aheyd in xilka laga xayuubiyo Kheyre iyo xukuumaddiisa, inkasta oo ay si kumeel gaadh ah xukuumadiisi usii waddo howlaha qaranka.

Odowaa ayaa ra’iisal wasaare Kheyre ku sifeeyay shaqsi horumar balaadhan ka sameeyay dhanka warbaahinta, oo aysan jirin wax-qabad muuqda oo dalka kusoo kordhiyay, wallow ay siyaasiyiinta qaarkood la qabin.

Baarlamaanka ayaa bishii hore ee July kalsoonida kala laabtay Kheyre iyo xukuumaddii uu hogaaminayay, kadib markii ay ku eedeyeen inay ka gaabiyeen in dalka ay gaadhsiiyaan hanaanka doorasho qof iyo cod ah.

Tallaabada uu baarlamaanku xilka uga tuuray ayaa badanaa waxa si adag uga horyimid siyaasiyiinta dalka, kuwaasi oo u arkayay ku tumasho sharci iyo xad-gudub dastuuri ah.

Xil ka tuurista Kheyre ayaa timid xili uu khilaaf doorashooyinka ah uu soo kala dhex-galay madaxweynaha, maadama uu si cad uga horyimid ra’iisal wasaaruhu muddo kororsiga uu qorsheynayay Farmaajo.