Sababta uu Farmaajo uga ‘cago-jiidayo’ inuu saxiixo sharciga hanti-dhowrka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo ayaa weli si rasmi ah u saxiixin sharciga madaxa-banaanida hanti-dhowrka qaran, kadib markii uu gadaal dhigtay qeybo sharciyo badan oo aheyd inuu qalinka ku duugo.

Madaxweynaha ayaa saxiixay 11-kamid sharciga, halka oo uusan weli saxiixin midka hanti-dhowrka qaranka oo kamid ah 21-sharci oo uu meel mariyay baarlamaanka dalku.

Farmaajo ayaa sharcigaasi ugu dhagan danno shaqsiyeed, xili uu rabo inuu go’aanka kama dambeyska ah ee magacaabista hantidhowrka uu noqdo mid kasoo baxa xafiiskiisa, sida uu sheegay Cabdiraxmaan Odowaa.

Cabdiraxmaan Odowaa oo ah xoghayaha Madasha xisbiyada qaran ayaa madaxweynaha ku dhaliilay in ‘dano gaar ah’ uu ila hadda u saxiixi waayey sharcigaasi muhiimka ah.

Sharcigaasi ayaa waxa hore u meelmeriyay xildhibaanada baarlamaanka, iyada oo uuna qeyb ka ahaa sharciyo ay meel-mariyeen, isla markaana ay u gudbiyeen madaxweyne Farmaajo.

“Sharcigii ugu muhiimsanaa ee hanti-dhowrka iyo madax-banaanida hantidhowr-ka, weli muu saxiixin madaxweynuhu, wax kale maaha wuxuu rabaa in uu madaxweynuhu magacaabo” ayuu yiri Odowaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta badan lagu dhaliila inuusan xiliyada loo baahna meel-marin sharciyada muhiimka ah ay soo ansixiyeen baarlamaanku ee ay u gudbiyaan.S