Shirkii beelaha Muddulood oo war-murtiyeed xasaasi ah laga soo saaray (Aqriso)

Muqdisho (Caasimaa Online) – Waxa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shirkii wada-tashi ee u socday Beesha Mudulood, kaasi oo maalmihii u dambeeyay socday, iyada oo ay qeyb ka ahaayen dad miisan culus ku leh dalka.

Shirkaasi ayaa waxa kasoo qeyb-galay duubabka dhaqanka, siyaasiyiin, culimo, haween iyo marti sharaf kale oo badan.

Waxaana arrimaha shirkaasi diirada lagu saarayay kamid ah arrimaha doorashooyinka oo xiligan xiisad hor leh ka abuuray dalka, xili ay madaxdii ugu sareysa dowladda federaalku ku kala dhaqaaqeen kala aragti duwanaanta arrinkaasi.

Shirkaasi oo maanta lasoo af-meeray ayaa waxa laga soo saaray war-murtiyeed dhinacyo badan taabanaya, iyada oo beeshuna ka digtay ciidamo shisheeye oo xiligan dalka soo galiyo.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay inaysan marnaba raali ka aheyn beeshu in ciidamo aan ka tirsaneyn kuwo AMISOM lagu daad gureeyo gudaha dalka waqtigan kala guurka ah.

Sidoo kale waxay meel adag iska taagtay muddo kordhin xiligan ka dhacda dalka, xili uu socdo qorshe ay Villa Somalia ku rabto inay muddo kororsi ugu sameyso madaxweyne Farmaajo.

Beesha ayaa sii adkeysay go’aanka saamileyda ee ka dhanka ah muddo kororsiga, kaasi oo dalka u horseedi kara qalaalase siyaasadeed iyo mid amni.

Ugu dambeyntiina waxa war-murtiyeedkaasi loogu baaqay madaxda dalka, kuwa maamulada iyo siyaasiyiinta mucaaridkaba inay dhawraan dastuurka dalka, isla markaana ka baaqsadaan jabinta shuruucda dalka iyaga oo u tudhaya bulshadooda.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran: