Lafta-gareen oo fariin culus ka diray shirka Mudulood

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliyeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta khudbad ka jeediyey xiritaanka shirka Mudulood ee ka socda magaalada Muqdisho.

Lafta Gareen ayaa sheegay inuu ku farxsan yahay ka qeyb-galka shirka wada-tashida ee beelweynta Mudulood, isaga oo mahadceliyey dhammaan xubnaha ka shaqeeyey iyo madaxweynayaashii hore oo qeyb ka ah shirkan oo la filayo in galabta la soo xiro.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in beesha Mudulood ay tahay beel nabadda iyo dowladnimada jecel, kana shaqeysa horumarka dalka.

“Damiirka waa isiin waayey anigoo joogo Xamar inaan ka maqnaado dadka aan walaalaha nahay gogoshooda, Beesha Mudulood waa beel weyn waa beel nabadeed waana beel dowladeed.” ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Lafta Gareen.

“Beesha Mudulood waa beel weyn oo beel nabadeed ah oo beel dowladeed ah oo dowladnimada jecel oo la yaqaano oo Soomaali hormuudkeeda ah.”

Madaxweynaha dowlad goboleed Koonfur Galbeed Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa dar-daaran culus u jeediyey beesha, isaga oo shaaciyey in gogosha Mudulood looga baahan inay noqoto gogol Soomaaliyeed oo ay ka soo baxaan wax wanaagsan.

Shirka beesha Mudulood oo afartii cisho ee la soo dhaafay ka socday Muqdisho ayaa waxaa horey uga qeyb-galay Madaxweynaha HirShabelle iyo midka Galmudug.

Gabagabada shirkan oo la soo xiri doono saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku aadan aayaha beesha iyo xaaladda guud ee dalka.