Maxay tahay Ammonium Nitrate: Kiimikada sababtay qaraxii magaalada BEIRUT?

Ku dhawaad 3,000 oo tan oo ah kiimikada ammonium nitrate – oo lix sano ka hor laga soo qaaday markab taagnaa meel ka baxsan xeebta Beyruut, kaddibna lagu keydiyay bakhaar – ayaa la sheegay inay sabab u tahay qarixii Talaadadii burburiyay dekedda caasimadda Beyruut iyo agagaarkeedaba.

Laakiin maxay tahay kiimikada ammonium nitrate, maxaysa khatar weyn u leedahay?

Waa maxay ammonium nitrate?

Ammonium nitrate waa kiimiko ka sameysay wax geeso leh oo adag, waxaana loo adeegsadaa warshadaha.

Arrinta ugu weyn ee loo isticmaalo waa maaddada ku jirta ee nitrogen-ta, taasoo wax lagu bacrimiyo, laakiin waxaa sidoo kale loo adeegsadaa in lagu sameeyo waxyaabaha qarxa ee loogu talagalay godadka macdanta laga qodo.

“Meel iska caadi ah oo dhul ah kama heli kartid ammonium nitrate,” ayuu yidhi Andrea Sella, oo ah barfasoor maaddada chemistry-ga ka dhiga Jaamacadda London. “Sababta aadan dhulka ugu arkeynin waa inay leedahay aashito awood badan”, ayuu yidhi.

Ammonium nitrate waxaa lagu sameeyaa meel kasta oo ka mid ah caalamka, qiimaheeduna wuu iska jaban yahay.

Laakiin waxaa dhib keeni kara in meel lagu keydiyo, waxaana lala xiriiriyay inay sabab u ahayd shilal aad halis u ahaa oo horay uga dhacay warshado.

Sidee ayay khatar u tahay ammonium nitrate?

Marka ay kaligeed tahay, ammonium nitrate way sahlan tahay in la xakameeyo, sida uu sheegay Barfasoor Sella.

Hase yeeshee, haddii ay waxyaabo kale oo badan ag yaallaan muddo dheer, waxay billaabeysaa inay mirirto.

“Dhibka ugu waaweyn waa in marka ay muddo dheer meel taallo ay soo jiidaneyso qoyaan, ugu dambeyntiina waxay isku baddaleysaa dhagax adag oo weyn,” ayuu yidhi.

“Arrintaas waxay ka dhigeysaa mid khatar weyn leh, sababtoo ah taasi waxay ka dhigan tahay in haddii ay qaraxdo ay sababeyso khasaare weyn oo durbadiiba faafa.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Mudadda dheer ee ay meel taallo ayey hadba ku xidhan tahay walxaha ay qabsaneyso, oo ay ka mid yihiin qoyaannada shidaalka, sida uu maanta Barnaamijka BBC 4 u sheegay Philip Ingram, oo horay usoo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan milatariga.

Marka ay taasi dhacdo, waxay labanlaabi kartaa kiimikada ay sii deyneyso.

“Waxay sameysaneysaa kuleyl iyada u gaar ah, marka ay billowdana, way sii xoojineysaa kuleylkaas oo ku badan doona in muddo ah,” ayuu yidhi Mr Ingram.

Isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu intaas raaciyay: “Markaas kaddib waxaa ka dhalan kara qarax aad u weyn, sida aan haddaba ku aragnay muuqaallada argagaxa leh ee laga soo duubay magaalada Beyruut.”

Maxaa sababay daruurta cas?

Muuqaallada laga soo duubay Beruut waxay soo bandhigeen qiiq ka baxaya holaha oo midabkiisu casaan yahay, kaasoo ka dambeeyay markii uu qaraxa dhacay.

“Waxaa jira shucaac safraya oo sii raacaya hawada, kaasoo aad ka dhex arki kartid daruuraha dusha sare ka maraya goobta uu qaraxa ka dhacay,” ayuu yidhi Barfasoor Sella.

Shucaaha waxyeellada wata waxa uu ka sameysan yahay hawo isku xiran, sida uu barfasoorka sharraxayo.

“Hawadu waxay u fideysaa si dhakhso ah wayna qaboobeysaa, biyahanada waxay noqonayaan uumi, taasoo sameyneysa daruuro,” ayuu yidhi.

Khatar intee la eg ayuu leeyahay gaaska abuurmay?

Marka ay qaraxdo kiimikada ammonium nitrate, waxay sii deysaa gaas sun ah oo ay ku jiraan maaddooyinka “nitrogen oxides” iyo “ammonia gas”

Qiiqa jaallaha ah waxaa sababay maaddada “nitrogen dioxide”, taasoo lala xiriiriyo hawada wasakhowda.

“Haddii aysan jirin dabeyl badan, waxay khatar weyn ku noqon kartaa dadka u dhow,” ayuu yidhi Barfasoor Sella.

Wax sidan oo kale ah horay ma u dhaceen?

  • Sanadkii 1921-kii, qiyaastii 4,500 oo tan oo ah kiimikada mmonium nitrate ayaa ku qaraxday warshad ku taalla magaalada Oppau ee dalka Jarmalka, waxaana ku dhintay dad ka badan 500 oo ruux
  • Qaraxii ugu dhimashada badnaa ee taariikhda soo maray wuxuu sanadkii 1947-kii ka dhacay magaalada Galveston Bay, ee gobolka Texas, ee dalka Mareykanka. Ugu yaraan 581 qof ayaa ku dhintay kaddib markii in ka badan 2,000 oo tan oo kiimiko ah ay ku qaraxday markab ay saarneyd oo ku xirnaa dekedda
  • Mar dhowna, qarax ay sababeen kiimikada ammonium nitrate iyo kuwo kale ayaa 173 ruux ku dilay dekedda Tianjin ee waqooyiga Shiinaha